Posts

Masaaj ayaan doontay

  Masaaj ayaan doontay Goobtu waa irridda gudaha ee garoonka diyaaradaha   Aadan Cade ee Muqdisho, dad ayaa boorsooyin jiidaya usii degdegaya diyaarado ay raacayaan, kuwa kalena irriday dhoobanyihiin oo waxay baryayaan askariga waardiyaha ah si uu u sii daayo oo ay gudaha u galaan. Meel soke waxaa taagan hooyo wejigeeda diif badani ka muuqato, kaba dacas ah oo dhammaaday gashan, cagaheeda uu qariyey boodhka jidcadayaasha Xamar oo aad dareemayso in ay wakhti dheer   soo lugaysay, hadalka waa ku adag yahay, inay igu soo dhowanayso ayaan dareemay, waa istaagay oo dhegaha u raariciyey, hooyo biyo ayaan rabaa ayey tiri, telefoonkeedaan weydiyey, si aan ugu diro lambaro u taagan lacag yar, waa habka keliya ee qof aad wax ku siin karto, waayo? Wadanka lacag shillin ah ma lahan, waa inaad tiro xarfo ah ku dirtaa teleefoon, qofkuna dhegeysto fariinta biibta ah ee u soo dhacday. Intaan telefoonka ku hawlanaa isheyda waxay qabatay gacmaha hooyada, waxay ku haysaa calan yar, waa ku...

Laba bogleynta dadka Soomaaliyeed xilligaan doorashada

Image
Xamaasadda ka dhalatay heshiiskii doorasho ee madaxda maamul goboleedyada iyo dawladda federaalka Soomaaliya ay ku gaareen Muqdisho Noofeembar 2020, waxay furtay wax aan la filayn oo ah in ay soo muuqato in wadanku doorasho aadayo wakhtigii loogu tala galay, waxaa kale oo heshiiskaas siyaasiyiinta Soomaalida dhex maray oofwareen ku noqoday shisheeye u soo hanqal taagayey inay marka khilaafka maamul goboleedyada iyo dawladda federaalka xal loo waayo ay u tahay fursaddii ay markale dib u heshiisiin ku qaban lahaayeen wadanka dibadiisa, si ay miiska u keenaan siyaasiyiin ay doonayaan in markale saaxadda ku soo noqdaan. Doorasho in la galo hawl sahlan ma ahan, wakhtiga yar ee haray marka loo eego, waxaase la sameeyey habraac iyo sida xubnaha baarlamaanka loo soo dooranayo iyo goobaha lagu soo dooranayo, tanoo ah hawl weyn oo qabsoontay rajadana kordhisay. Maalmo aan Muqdisho joogay waxaan karay in uu bilowday dareen bulshada ka dhex jira, kun saabsan doorashada iyo wax ka imaan kara. Askar...

Garoonka toogashada mise garoonka cayaarta

Image
Garoonkaan sawirkiisa aad u jeedaan hadda carruur ayaa ku ciyaaraysa, mase ahan goob cayaar, waa goobta lagu toogto dadka ee caanka ah loona yaqaan “tiirka” ee ku yaala xaafadda Afisiyoone ee Muqdisho, goobta askarta wax tooganaysaa ruugga dhigtaan markay wax shiishayaan ayaa u ah garoon, halka tiirarkii qofka la dilayo lagu xirana u yihiin gool. Carruurta ku ciyaaraysaa waa faraxsan yihiin, waxay hadba dhinac u eryayaan kubad yar oo dhinac ka go’an oo laba tiir oo ah kuwa dadka la tooganayo lagu xiro gool u tahay, ilmaha gool hayaha ahi wuxuu ka fekerayaa kubaddu dhinac yeysan kaa dhaafin iyo labada tiir may isu dhowaadaan. Goobtaan carruurtu ku faraxsan tahay boqolaal qof ayaa 50 sano ee la soo dhaafay toogasho lagu fuliyey, intaa indhaha laga xiro, garba duubna loogu xiro tiirarkaan, intaan xabaddu ku dhicin waxa maankooda ku jiraa qiyaastii waxay ahayd halkee xabadda ugu horaysaa kaaga dhacaysaa, duniduu ka sii tegeyo walbahaarkeeda, waxa lagu dilay aysan xaq ahayn, wixii uu samee...

Saamaynta Covid-19 ku yeeshay xarrumaha afka, dhaqanka iyo wax akhriska

Image
Xanuunka Covid -19 ee dunida ka jira ayaa hakiyey kulamadi, bandhigyadii buugta iyo hawlihii xarumaha wax akhriska ay bulshada u hayeen, iyadoo wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ilaa hadda xaqiijisay 2146 kiis oo xanuunka karoona soo ritay, halka dhmashaduna tahay 406 qof.  Cabdiraxmaan Maxamed Ibraahim oo ka mid ah masuuliyiinta xarunta Maankulan ee magaalada Kismaayo ayaa sheegay in  talaabooyinka looga hortegayo fayraska karoonaha oo ay ka mid tahay in dadku kala fogaadaan ay keentay in ay xarunta xiraan tan iyo bishii Maarso ee sanadkaan, taasoo keentay in  dhallinyartii xarunta  maalin kasta sida joogtada ah wax ugu akhrisan jirtay guryahooda joogaan. “Waxaa kaloo baaqday barnaamijyadii doodaha aqoon kororsiga ahaa oo bil kasta la qabanayey iyo falanqayn todobaad walba loogu samaynayey buugta ee xarunta ka dhacayey” ayuu yiri Cabdiraxmaan. Naadigaan oo qaban jiray sanadkasta carwo buugeedka Kismaayo (KBF) ayaa sheegay in haddii saamaynta xanuunka ay sii ...

Hopes and traps for Somali books and writers!

Image
Greetings to the literary & writing community; When you are alone you tend to conversate with yourself, you feel your emotions and mind itching with an idea. All this happens without talking or questioning.In the end, you feel that you must share the outcome of that internal conversation with others. You go and see an event, and the feelings of those who did it and those who were done on and what comes from it charges your mind with questions and answers,some you find solutions, others will open a wide range of issues, with the selection of a running avalanche of large stones about to fall down, then beneath the trees are holes in the beast that make you afraid, and when you look at the bottom of the tunnel, there lies water, birds of different kinds, sometimes drinking and sometimes cooling down themselves. , then shaking and plunging their colorful wings out of the water, bringing that impression to you with joy and happiness. Such sentiments are inherent in the fact t...

The Joy of a Pen

Image
One of the biggest triumphs of my life was transforming my thoughts into a book and honestly, it feels very special.   I always appreciate the world of writing. For many, writing has mostly been viewed as a skill that is used for fun but I have enjoyed it in many beautiful ways.   Writing is a source of happiness. Writing is an emotion. Writing is channel for our thoughts to flow through ink. Writing is a powerful tool, it can be used or abused. Writing is an art.   We write so as to express what we can not utter or explain through gestures. It is a mind-to-heart talk where we bring our thoughts to life and pour it on the lines of the blank page. Writing simply implies painting our inner voices.   An author does not just wake up and write so as to make a living. He/She wanted to express that burning thought or desire and so they sat down, took a pen and paper, and began writing.   Writing comes with many benefits. It is a good means to kill ...

Rejada iyo hurgumada uu leeyahay qoraaga iyo buugga Soomaaliyeed

Image
Salaan qiimo badan ayaan hawadda u soo marinayaa qalinleyda iyo bulshada akhriska jecel. Markaad keligaa tahay maskaxdaada waxaa ku furmaya isla hadal, waa wax ku xan-xantaynaya oo ku xiriirsan dhudka dareenkaaga, adigoon hadlin, lagaa hadlin ayey maankaaga gubayaan, jawaabta isla hadalkaagii ka soo baxday ayaa noqonaysa, in waxaad iskula hadashay yihiin wax ay tahay inaad dadka la wadaagto. Ka soco, waxaad aragtay dhacdo, ciddii samaysay iyo kuwii lagu sameeyey dareenkoodii iyo wixii ka dhashay ayaa maankaaga ka oogay su’aalo iyo jawaabo, qaarkood xal ayaad u heshaa, kuwana waxay kugu furan amuuro isku raran, waxay kula xulaan tog leh gebiyo dhagaxaan waaweyn oo soo dhici rabaa ka soo fooraraan, kuwaasoo markaad aragto layaab kugu ridaya, halka gebiyadaas hoostooda ay yihiin godad bahalo galeen ah oo kugu abuuraya cabsi iyo  maxaa kaaga soo bixi kara, markase aad salka hoose ee togga fiiriso, waxaa jiifa biyo, shinbiro  kala caynad ahi marna cabbayaan, markalena ku qabo...

Soomaalidu waa geesiyaal, waa been fakatay

Image
Waxaa jira erey hees hawleed ay haweenka markay guryaha ka shaqaystaan ku heesaan. waxaa ka mid ahaa, midka geesiya ha guursan, marka geela la qaado, geb geb buu u ordaa, goobtaa la wadhaa, markaasaad goblantaa. Geesiga ay bulshada Soomaaliyeed taqaan waa geesigaas waranka ku dhiiraan, waxaase la ogaaday inuusan kaasi geesiga ahayn ee qofkasi yahay axmaq. Geesiguse yahay qofka qaata go’aamo dhaxal gal ah oo masiirkiisa nololeed taabanaya. Soomaaliduse marna ma yeelin go’aamo geesinimo leh oo ay go’aammo mustaqbalkooda saameeya ku qaataan, tusaale; qodobaddaan kooban waa kuwii taariikhdii dhowayd ina soo maray ee aynu fursadahooda soo luminay. Baresare Yaasiin Sheekh Muuse oo ahaa hormuudkii kuliyadda siyaasadda iyo istiraatijiyadda ee jamacaddii ummadda ayaa mar aan la sheekaystay maalin dhowd wuxuu ii sheegay. “Ururkii SYL ee xornimo doonka khaladkii ugu weynaa ee uu galay waxay ahayd markii ay Ingiriiska oo dhulkii Soomaaliyeed isku haystay ay cayriyeen, kadibna...

Dhallinyarta Soomaaliyeed: Waa rajo ummadeed oo u bahan in la taageero

Image
Sawirka: Waa xafiiska isku xirka dhallinyarada Soomaaliyeed Ma ahan riyo, waa dhab in dhallinyarta Soomaaliyeed mar ahayd kuwa jecel dalkooda, dad isu hiiliya, isu ficilooda, waxay taageeri jireen cadaaladda, iyagoo diidi jiray dulmiga iyo duudsiga qofka bani’aadamka, waxaase ay luntay taasi waayadaan danbe markii Soomaalidu qabiil qabiil u qaybsantay, waxaa la waayey xooggii iyo xiribtii  Qarannimada lagu sugi lahaa oo dhallinyaradu u ahayd udub dhexaad, waxaa la tebey waddaniyiintii ku hubaysnayd mabaadii’da rajadada mustaqbalka iyo daljacaylka, waxaana sidaas sanado badan ku xabaal nololismay  hankii dalka loo qabay.   Bishii Noofeembar 12 2019, waxaan booqday xafiiska isku xirka dhallinyarada aqoonyahanada Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho, waase xafiis qabto hawl ka weyn inta magaciisu yahay. Markaan waraystay madaxa xafiiskaas Maxamuud Aadan Mumin iyo masuuliyiin kale, waxay ii sharaxeen, shaqada ururkaan dhalinyaradu isku xiro, waxaan ka soo qaa...

Wax sibiq inagu soo galay, inaguse sal balaartay (Taabug, Shiishad & Qaad)

Image
Muqdisho xilligaan dadaalada ugu badan ee wacyi gelinta bulshada waxaa meel sare kaga jira joojinta isticmaalka Taabu. Waa daroogo u samaysan sida tubaakada, canka la gashado, da'yarta xilligii waxbarashada ku jirta ayaana  aad u isticmaasha. Waxaa lagu sameeya, lagana soo dhoofshaa Hindiya, iyadoo lagu soo qoro Afsoomaali lagu xayeysiinayo. Haddaba wax kastoo qaribaya bulshadeenna markay soo gelayaan bilowga hore wadanka, waxaa loo sameeyaa dacaayo aad loogu buun buuninayo, magacyo fiican ayaa laga soo hormariyaa, dadku sida baalaley isugu soo ururtay nal ka baxaya goob mugdi ah ayey ugu uruuraan, marka la wada qabatimo ayaa waxyeeladeeda la arkaa. Taabu ka hor waxaa ina soo galay Qaad iyo Shiishad, side ku bilowdeen aan wax yar ka iftiimiyo. Qaadka Waa wax sahlan in markaad qof wax wanaagsan uga sheegto wax uusan horay u arag, qaadku wuxuu dadka Soomaaliyeed ku soo galay hab sibiq ah (fudud), wadaadadii dariiqooyinka ayaa eediisa leh, waxay ka sheegeen wax wanaagsan, inu...

Canjeelo wadaag dawladnimo ma wadaagi waayin!

Image
Sawir/Berdaale/Muxiyadin Xusni oo Baydhabo jooga ayaa leh Hadalkaan  gundhigga qormadayda, wuxuu ku baxay sanadkii 2011 oo abaar darani wadanka ka dhacday, waxaa ka dhashay in boqolaal qoys oo gobollada koonfurta ka soo barakacay ay qaxooti ahaan u soo galaan xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee waqooyi bari Kenya ku yaala. Gabadh ka socotay hay’ad cilmi baaris ku samaysa wadamada khilaafyadu la degaan, ayaa loo soo diray Dhadhaab inay cilmi baaris ku aadan waxa Soomaalida khilaafkeedu salka ku hayao, warbixinna ka diyaariso. Waxay tagtay Dhadhaab, iyadoo wadata turjumaankeedii, subaxii hore ayey ku kalahday aqalada cawska iyo qoryaha ka samaysan ee hoyga u ah qoysaska meesha degan, waa nolol adag, qoyskii ugu horeeyey hooyadii haysatay oo bir canjeelo (daawe) ku dubaysa, ilmo dhowr ahina ag fadhiyaan, xabaddii la dubo mid saxan yar soo taagaya ayey ugu tuuraysa. Markii hooyadii loo sheegay gabadha diirka cadi waxay rabto, waxay ku jawaabtay “isuga daawaha (birta canjee...

Soo jeedinta Co-federation, armay la mid noqotaa labadii tijaabo ee hore (SSDF iyo Federal)?

Image
Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa ayaa hadal uu ka jeedinayey madal Garoowe lagu kulmay ka sheegay hadal ah in hanaanka Federaalka hadda la haystaa aysan ahayn mid Soomaali u cuntanta, loose bahan yahay in wadanka laga dhigo co-federation. Ummaduhu waxay ku tanaadaan is tix gelin ku salaysan aragtiyaha ku qotoma mabaadiida siyaasadeed ee bulsho isla ogolaato, si ay ugu wada noolaato nabad iyo sinaan. Soomaaliya waa wadan bed ahaan lagu qiyaaso 637,000 kmSq, waxa degaa hal qawmiyad oo Soomaali la yiraahdo. Hanaan dawli ah oo dhinaca dimoqoraadiyadda ah ayaa ka hana qaaday markii xornimada la qaatay 1960, waxaase dhibaato ku noqday musuq maasuq, eex, ninjeclaysi iyo danaysi, taasina waxay keentay markii danbe in ciidamadii xoogga dalku talada la wareegaan. Iyadoo wadanka hal hogaan ka taliyo, ayaa siyaasiyiin ka soo jeeda gobollada waqooyi bari Soomaaliya, waxay aasaaseen jamhad la oran jiray SSDF, oo ah tii ugu horaysay jamhadihii faraha bad...

Rag gogoshii waa nabad, ninkaan waxa uu ii sheegay akhri

Image
Rag gogoshii waa nabad, l aakiin waa ninka rag yaqaan, ninka fahmi kara arrintaan. Mar aan gole rag odayaal ah kula kulmay tuulo ku taal gobolka Gedo ayuu mid ka mid  ahi ii sheegay sheekadaan. Annagoo tuulo ceel leh wada degan, bulsho kala qabiil ah ayaan ahayn, waxaan isku qabanay 15 sano ka hor ceelkii biyaha, annigaa cabaya iyo annaa kalka leh. orordkii iyo wax iska dhicintii nin ayaan dilay, dagaalkiina rag kalaa ku dhintay oo labada dhinac ah, maalintaas ayaan ku kala guurnay tuuladii, labadayadii reer mid walba tuulo uu leeyahay ayuu dhistay. Dadkayagii ceelka wada cabi jiray, waxay dani nagu keliftay in gaade iyo aargoosi arintii isu bedesho. Anniga kuu sheekaynayaa 10 sano qorigayga amaan ma xirin, habeenkiina gurigayga ma seexdo si aan gaade isaga ilaaliyo. mudadaas dhibka i soo gaaray ma tirin karo, hadaanse wax kaaga sheego ayuu ii sii raaciyey. Laba goor xabad ayaa marba igu qaraxday, mar lugta ayey iga jebisay, marna bawdaday i jiiraysay, tan ugu daran habeen ha...

Carwo buugeedka Muqdisho wuxuu ahaa ishii isbedelka noloshayda

Image
Sanadku waa 2015, goobtu waa Muqdisho, goortu waa bacdal makhrib, waa hotelkii la oran jiray City Palace, haddase loo yaqaan Royal Palace, waana carwo buugeedkii ugu horeeyey ee Muqdisho lagu qabtay, maalintii koowaad ee carwo buugeedka ayaa soo dhamaaday. Miis ayaan ku fadhinaa rag dhowr ah, waxay ka mid ahaayeen martidii sanadkaas, waxaan ka xasuustaa Axmed Faarax Cali Idaajaa, Cismaan Cali (Aasaasaha madxafka Soomaalida ee Minneapolis). Waxaa nagu soo biirtay gabar aad u da’yar, 14 jir ayey ahayd, gabadhu waa Sucaad, waxay deganayd iyada iyo qoyskeedu guri aan ka fogayn halka hoteelka ku yaal, waa guri burbursanaa, laakiin duruufaha uun baa ku khasbay inay isaga dhex noolaadaan. Xaafadda Cabdilcasiis ee hoteelka City Palace ku yaalo waxay ahayd meelihii dagaladdu sida xun u naafeeyeen, guryaha hoteelka ku hareeraysan waa wada burbursanaayeen, dad yar ayaana ku noolaa oo qoyska Sucaad ka mid yahay. Cismaan oo ay Sucaad dhinaciisa fariisatay ayaa waraysi ku bilaabay,...