Dhallinyarta Soomaaliyeed: Waa rajo ummadeed oo u bahan in la taageero


Sawirka: Waa xafiiska isku xirka dhallinyarada Soomaaliyeed

Ma ahan riyo, waa dhab in dhallinyarta Soomaaliyeed mar ahayd kuwa jecel dalkooda, dad isu hiiliya, isu ficilooda, waxay taageeri jireen cadaaladda, iyagoo diidi jiray dulmiga iyo duudsiga qofka bani’aadamka, waxaase ay luntay taasi waayadaan danbe markii Soomaalidu qabiil qabiil u qaybsantay, waxaa la waayey xooggii iyo xiribtii  Qarannimada lagu sugi lahaa oo dhallinyaradu u ahayd udub dhexaad, waxaa la tebey waddaniyiintii ku hubaysnayd mabaadii’da rajadada mustaqbalka iyo daljacaylka, waxaana sidaas sanado badan ku xabaal nololismay  hankii dalka loo qabay.

 Bishii Noofeembar 12 2019, waxaan booqday xafiiska isku xirka dhallinyarada aqoonyahanada Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho, waase xafiis qabto hawl ka weyn inta magaciisu yahay.

Markaan waraystay madaxa xafiiskaas Maxamuud Aadan Mumin iyo masuuliyiin kale, waxay ii sharaxeen, shaqada ururkaan dhalinyaradu isku xiro, waxaan ka soo qaatay jawaabihii; “Waxaan xiriirinnaa ardayda Soomaaliyeed ee jaamacadaha dalka wax ka barata, kuwa doonaya inay waxbarasho u helaan dibadda, isku xirnaa ururada ardayda ee ka dhisan Turkiga, Maleysiya, Suudaan iyo wadamo kale, si ardayda jamacadaha dibadda wax ka barataa uga warqabi karaan wadankooda, uguna soo noqdaan markay waxbarashadooda dhamaystaan, si ay uga qayb qaataan dib u dhiska wadanka”.

Waxaa kale ay isku dubaridaan gurmadyada bani’aadanimo ee kala duwan ee wadanka loo samaynayo, markay masiibo dhacdo, sida fatahaadihii ka dhashay xilligaan roobabka day’arta ee faraha badan da’ayaan, webiyaduna karkaarada jabsadeen.

Waxaan dhuuxay waxa ay dhallinyaradani ii sheegayaan, waxaana ii soo baxay inay jirto rajo weyn oo dawladnimada iyo qaranimada Soomaaliya ay leedahay. Sanado badan waxaa qofka Soomaaliyeed ka naxayey qof Soomaaliya ama deegaan dad Soomaaliyeed degan yihiin, marka uu ogaado keliya qabiilka qofkaas, ama degaankaa dhibtu ka dhacday reerka degan, isagoo qofku ku qiimaynayo siduu xiriir qabiil ula leeyahay. 

Damqashadii bulshada ka dhaxaysa waxaa dishay halgankii baas ee loo galay qabyaaladda. Qabyaaladdu waa tubta kala tagga iyo burburka, baaba’a matxafyada, maktabadaha, dhismooyinka filka weyn, duugta raad raacyada taariikhda, iyadoo la arkay in dadkii u soo halgamay xornimada uu qofka isku mashquulinayo inuu ogaado qabiilka dadkaas xoriyadda u dhintay ahaayeen, tanoo ka fog xadaradda, salkana ku haysa dumin iyo aasid sooyaalka ilbaxnimada wadanka. 

Hadda waxaan dareemay in dhalinyartaani yihiin kuwo fikirkooda u dhisaya in dacaladda Soomaaliya qoyskastoo degan uu yahay dadkoodii, ayna u damqanayaan, iyagoo quud daraynaya inay tirtiraan dhaawacyadii gaaray isku xirnaanta bulshada ee ka dhashay dagaalladii qabiilka.

Awoodda qabiilku ma dhaafsiisna qabiil qabiil kale weerarar. Waa dagaal uu dad badani ku dhinto oo badanaaba ka dhasha sababo ka maran mabaa’dii, waddaniyad iyo dhugmo beni’aadannimo, sida kolka la isugu qalab qaato colaad ka aloosantay gees garaac lagu sameeyey hal geel ah oo dar biyo ah ka cabaysa, kadibna boqolaal qof haashaas darteed u god galaan. 

Wakhtiga aan xafiiskaa dhallinyarta ku sugnaa, waxaan la kulmay da’yar kale oo qaybaha wadanka ka kala timid, markaan la sheekaystay, waxaa hadafkoodu ahaa Soomaali oo nabad hesha, ayna ugu noolaadaan wadankooda sharaf iyo cabsi la’aan. Waxaana hadalkoodii iiga baxay inay si buuxda uga dheregsan yihiin, maankana ku hayaan soddon sano oo la soo dhaafay oo qabyaaladdu ahayd hogaanka wadanka, ayna lumisay rajadii iyo kartidii jilashii dhashay 1970dii-80dii iyo 90dii,   kuwaasoo markay dhallinyaro noqdeen ku soo beegmay gulufkii dagaalada qabiil, wixii ay aqoon, xirfad iyo han lahaayeen jiilashaasi waxay raacday durduradii xoogga badnayd ee lagu bixiyey dagaalladii sokeeye.

Gunaanadkii waxaan qiray in dhalinyartaani ogyihiin boholaha tirada badan ee ku hareeraysan, oo ay ka mid tahay marka laga soo tago qabyaaladda, xagjiraynta, u adeegsiga dagaalka, tahriibka, nacaybka iyo shaqo la’aanta. Waxay sheegeen inay ka go’an tahay rumaynta riyada Soomaaliya oo xor ah, nabad ah, ayna higsadaan da’yarta kale ee wadamadooda wanaajiyey.

Waxay qaateen dardaaran kooban, macno weynse u leh waa; ka weynow qabiil, musuq-maasuq iyo danaysi, waxaan heli doonaa mustaqbal fiican.

Ganacsato, siyaasiyin iyo qaybaha bulshada Soomaaliyeed waxaan ku dhiiri gelin lahaa in la taageero mabaa’diida dhallinyarada Soomaaliyeed ee u taagan afkaarta wanaagsan ee ku qotonta wax dhiska, lana taageero higsiga da’yarta cusub oo wax badan wadanka qaabkuu ahaa ka doonaysa inay ka bedelaan. 

Maxamed Xasan Cirro







Comments

Post a Comment

Popular posts from this blog

Laba bogleynta dadka Soomaaliyeed xilligaan doorashada

Carwo buugeedka Muqdisho wuxuu ahaa ishii isbedelka noloshayda

Saamaynta Covid-19 ku yeeshay xarrumaha afka, dhaqanka iyo wax akhriska