Masaaj ayaan doontay

 Masaaj ayaan doontay

Goobtu waa irridda gudaha ee garoonka diyaaradaha  Aadan Cade ee Muqdisho, dad ayaa boorsooyin jiidaya usii degdegaya diyaarado ay raacayaan, kuwa kalena irriday dhoobanyihiin oo waxay baryayaan askariga waardiyaha ah si uu u sii daayo oo ay gudaha u galaan. Meel soke waxaa taagan hooyo wejigeeda diif badani ka muuqato, kaba dacas ah oo dhammaaday gashan, cagaheeda uu qariyey boodhka jidcadayaasha Xamar oo aad dareemayso in ay wakhti dheer  soo lugaysay, hadalka waa ku adag yahay, inay igu soo dhowanayso ayaan dareemay, waa istaagay oo dhegaha u raariciyey, hooyo biyo ayaan rabaa ayey tiri, telefoonkeedaan weydiyey, si aan ugu diro lambaro u taagan lacag yar, waa habka keliya ee qof aad wax ku siin karto, waayo? Wadanka lacag shillin ah ma lahan, waa inaad tiro xarfo ah ku dirtaa teleefoon, qofkuna dhegeysto fariinta biibta ah ee u soo dhacday.

Intaan telefoonka ku hawlanaa isheyda waxay qabatay gacmaha hooyada, waxay ku haysaa calan yar, waa kuwa maamul goboleedyada, waagii hore haddii ay jirtay hal calan oo hal midab ah oo Soomaalidu ilaashato, hadda calamadu waa tiro beeleen, midabyo kala duwan ayey leeyihiin, hooyo maradan yar maxaad u sidataa? “Waxaan ka imid xaafadda Silligga, lug ayaan saaka ku soo baxay, si aan u soo dhoweeyo madaxweyne “hebel”, waxaan nahay afar hooyo, nin isla qarabada ah ayaa xalay noo soo sheegay in aan madaxweynaha cidda si wanaagsan usoo dhoweyno, hawshii waa dhammaatay, telefonkana nagama qabanayo haddaan gaari raac weydiisan lahayn”, hooyooyinkii kalena hooskaas ayey fadhiyaan intay gacanta iigu fiiqday meel gidaar ah oo ay ka muuqdaan haween niyad jabka haysta aad ku garanayso in ay calamadii gacanta ay ku haysteen hoos u foorarinayaan, hal su’aal ah ayaan weydiiyey, laakiin jawaabo badan ayey ii sheegtay, waxaan u gartay in maankeeda wixii ka buuxayba ay doonayso in ay igu afrogto (qufto), duruufta hooyadu qabto kama duwin maxabaday u qabto madaxweynaheeda, waxay u soo dhoweynaysaa, waana inuu difaacayo sharafta iyo degaanka tolka. Waagii hore haddii Soomaalida loo sheegi jiray dhul shisheeye kaga maqan oo la xoreyn doono, hadda madaxdu dadka waxay u sheegaan in ay xorayn doonaan dhul jamhuuriyadda Soomaaliya gudaheeda ka tirsan.

Hooyadii warar kale oo aanan waxba ka qaban karin ayey sii waday, sarkaal amniga ah ayaa meesha soo istaagay oo yiri “meesha ha laga dhaqaaqo”  wejigiisa ayaan eegay oo qaybta kore haraggiisu kuuskuusmay, ayna ka muuqato shaqada adag ee ka haysta kala hagidda dadka qabiilaysan ee danaha kala duwan u rucleynaya.

Madaxweynihii la soo dhoweynayey habeenkii ayaan ugu tegey goobtuu deganaa oo dad badan oo kalena ay saf ugu jiraan aragtidiisa, dadkii sugayey intii aan salaantooda ku mashquulsanaa, waxaa ii yimid dhalinyaro si qurux badan u lebisan, dhar isu eg isku dhuujiyey, markay soconayaanna gacmaha, lugaha iyo xabadka godaya, neefta ay tartiibsanayaanna ay calooshoodu dhabarka ku dhegtay, una soconaya sidii lugaha qaybta danbe silsilado kaga xiran yihiin, dadkii ayey iga dhex saareen horayna iigu kexeeyeen meeshuu madaxweynuhu deganaa.

Qolkii aan ugu tegey waxaa yaaley kuraas raaxo oo iska soo horjeedda. Wuxuu noo galay kaftan, ka warbixin safarkiisii “waxaan aaday wadan “hebel”, waxaan u doontay masaaj iyo xaaskaygoo yara juucjuucsan oo iyana lahayd balan takhtar” intuu yara jimicsaday ayuu hadddana yiri “masaaj fiican ayaan soo helay wallaahay”. Intuu i soo eegay ayuu kaftan kale ku yiri “adiga inaad masaajdkaas hesho waaye, si daalka badan aad uga yara nasato”, qoortiisa uu taabanayaan eegay oo isku cufan, muruqyo laalaaba oo buuro kala sareeya aad mooddo qadaadka ku leh, maba ka muuqato meel gacan riixriix karto ee tolow ma alwaax ayaa lagu...

Xusuustaydii waxay aaday hooyooyinkii saaka u soo lugeeyey masaafada dheer, si ay u soo dhoweeyaan madaxweynaha doontay masaajka. Isagoo iska daliigaya cadaadis haysta dhiiggiisa oo ay keentay dhereg, halka hooyooyka diiftu hayso ay korkooda hiigtay gaajadu, hamuuntuna ku riday calool walah, indhuhuna sidii qof fuuq baxay ka dhex muuqdeen laba goon oo soo taagtaagan.

Saacad aan la fadhiyey su’aal aan weydiiyey jawaab kama helin, wuxuu isku dhaafinayaa ka sheekaynta safarkiisii, isagoo meelihii gacantii lacag doonka ahayd ee nin iyo naag waxay tahay aanan garayn ay salsalaaxday. Waxaa soo galay gacan yarihiis oo degdegsan oo u muuqda inuu sido war farxad leh, wuxuu shiday shaashad muuq baahiye yaalay miis na hor yaal, waxaa ishayda ku dhacday haween iyo rag safaf dhaadheer ku jira, tuban qoraxda Muqdisho oo duhur joogta, iyagoo calaacalo waaweyn xoog isula dhacaya, si sanqarta ka soo baxaysaa meel fog u gaarto, waxay qaarkood sitaan qoor xir, koodhad culus oo kuwa dhaxanta laga gashado ah,  dhididka ka qubanayaa uu dharkooduu qooyey.

Madaxweynaha maamul goboleedka wejigiisa ayaan eegay oo aad u faraxsan, wiilkii shaashadda shiday ayaan haddana ku jeestay oo isna indhihiisa ay iftiimisay farxad ay keentay qanacsanaanta madaxweynihiisa la muusoonaya muuqaalkii dadkii kadeednaa.

Waa socotaa..

 

Comments

Popular posts from this blog

Laba bogleynta dadka Soomaaliyeed xilligaan doorashada

Carwo buugeedka Muqdisho wuxuu ahaa ishii isbedelka noloshayda

Saamaynta Covid-19 ku yeeshay xarrumaha afka, dhaqanka iyo wax akhriska