Wax sibiq inagu soo galay, inaguse sal balaartay (Taabug, Shiishad & Qaad)


Muqdisho xilligaan dadaalada ugu badan ee wacyi gelinta bulshada waxaa meel sare kaga jira joojinta isticmaalka Taabu. Waa daroogo u samaysan sida tubaakada, canka la gashado, da'yarta xilligii waxbarashada ku jirta ayaana  aad u isticmaasha. Waxaa lagu sameeya, lagana soo dhoofshaa Hindiya, iyadoo lagu soo qoro Afsoomaali lagu xayeysiinayo.

Haddaba wax kastoo qaribaya bulshadeenna markay soo gelayaan bilowga hore wadanka, waxaa loo sameeyaa dacaayo aad loogu buun buuninayo, magacyo fiican ayaa laga soo hormariyaa, dadku sida baalaley isugu soo ururtay nal ka baxaya goob mugdi ah ayey ugu uruuraan, marka la wada qabatimo ayaa waxyeeladeeda la arkaa. Taabu ka hor waxaa ina soo galay Qaad iyo Shiishad, side ku bilowdeen aan wax yar ka iftiimiyo.

Qaadka
Waa wax sahlan in markaad qof wax wanaagsan uga sheegto wax uusan horay u arag, qaadku wuxuu dadka Soomaaliyeed ku soo galay hab sibiq ah (fudud), wadaadadii dariiqooyinka ayaa eediisa leh, waxay ka sheegeen wax wanaagsan, inuu yahay quud awlyo, waxay kaloo sheegeen in loo soo dejiyey in quraanka lagu akhristo oo lagu soo jeedo habeenkii. Akhriste ereyadaani waa uun kuwo ka yimid meel ka baxsan maanka Soomaalida, qorshuhuse ahaa in lagu dhex fidiyo dadka. Qaadkii barranay, marduuf iyo majinba lawada quuday, wixii sida quruxda badan la inoogu sharaxay waxaa gundhigiisii noqday, inuu yahay daroogo, lagu huriyo dagaalada qabiilka, siyaasadda qaloocan, dumiya bulshada, qoyska, dhaqaalaha, caafimaadka, anshaxa, deegaanka, raaxada, kartida iyo wax dhiska qofka.

Mar aan tegey goob ka mid ah meelaha lagu beero Kenya ee Meru, dadka beertaa ma cunaan, wakhtina kuma bixiyaan inay ogaadaan faa’iidada ku jirta, waxaase cuna dadka nolosha ku dhacay ee loo yaqaan derbi jiifka, waxaanse maalintaa isu sheegay yaa ogaysiiya dadkaan qaadka ka cuna goobta laga beero in Soomaalida madaxya weyntoodu cunto, talada ummada iyo bulshada ay ku jaan gooyaan markay qayilayaan.

Shiishad
Waxaa soo baxday Shiishad, waxay nooga timid dhinaca wadamada Carabta, gaar ahaan Sucuudiga, dhalyaro isticmaalaysa bilowgii ayaan waydiyey wuxu waa maxay, waxay iigu jawaabeen “waa khudaar la shiiday, sida tufaax, carabahaana laga isticmaalaa, oo noloshay u wanaagsan tahay”. Jawaabtaasi igama degin, tufaax la shiido oo cabitaan laga dhigto arkay, ee mid la qalajiyey oo la dab lagu shido ma fahmin.

Bulshadii si indho la’aan ah ayey ugu daateen, waxayna noqotay mid ka sii daran qaadkii, haween iyo ragba, waxay curyaamisay dhaqaalihii, shaqooyinkii iyo hab maamuuskii qofka.

Takhaatiir reer Kenya ah oo baaritaanno ku samaysay shiishadda waxay ogaadeen inay tahay xashiiska daroogada ah Heroen oo la soo qalajiyey, kadibna sida tubaakada sigaarka loo soo budeeyey, loona cabo.

Tufaaxii la qalajiyey wuxuu ku soo biyo shubtay daroogo la soo qalajiyey, ma garan qofkay beenta intaas le’egi ka timid ee bulshada sidaas u fidneeyey.

Taabu
Qoraalkayga meesha uu u socdaa waa qodobkaan, maqalka magacaan waxaa iigu horaysay sanadkii 2018, waxaanse horay u maqli jiray da’yartu bahal buuri ah oo canka hoosteeda la gashado oo Hindiya laga keeno ayey isticmaalaan. Waxay faafinayeen da’yarta cuntaa inuu yahay wax dejiya qofka, wax aad ku akhrisan karto, kaa fududaynaya culaysyada nolosha iyo waxyaalo kale oo badan oo dhiiri gelinaya cunistiisa.

Waqti xadirkan Somaliya waxa kuso badanaya isticmalka taanbuga. Doodaha ugu badan ee bulshaduna isagay ku wajahan tahay inuu dhaliyarta ku hayo dhibaato.  Meelaha ugu badan dunida ee laga isticmalo hot filter khaini (taabu) waa dalka Hindiya oo ah wadanka laga soo saaro. Cilmi baris wadankaasi ku sameeyey waxay sheegtay in 40 second walba uu qof u geriyodo dhibatada tubaakadaani leedahay.

Wakhtigan Muqdisho culayska ugu badan ee haysta dhalinyarada waa isticmaalka Taabu, waxaa ku jira qayb halis ah oo daroogo ah, takhaatiirtuna waxayba ka diyaan in uu sababo noocyo kansar ah oo afka iyo dhuunta ku dhaca. Akhriste walaal ogow inaad iska jirto wax kastoo soo baxa oo lagu xayeysiiyey in laga leeyahay ujeedo, hubi, una fiiri muxuu baahidaad qabto ka bedelayaa.


Maxamed Xasan Cirro








Comments

Popular posts from this blog

Laba bogleynta dadka Soomaaliyeed xilligaan doorashada

Carwo buugeedka Muqdisho wuxuu ahaa ishii isbedelka noloshayda

Saamaynta Covid-19 ku yeeshay xarrumaha afka, dhaqanka iyo wax akhriska