Garoonka toogashada mise garoonka cayaarta

Garoonkaan sawirkiisa aad u jeedaan hadda carruur ayaa ku ciyaaraysa, mase ahan goob cayaar, waa goobta lagu toogto dadka ee caanka ah loona yaqaan “tiirka” ee ku yaala xaafadda Afisiyoone ee Muqdisho, goobta askarta wax tooganaysaa ruugga dhigtaan markay wax shiishayaan ayaa u ah garoon, halka tiirarkii qofka la dilayo lagu xirana u yihiin gool. Carruurta ku ciyaaraysaa waa faraxsan yihiin, waxay hadba dhinac u eryayaan kubad yar oo dhinac ka go’an oo laba tiir oo ah kuwa dadka la tooganayo lagu xiro gool u tahay, ilmaha gool hayaha ahi wuxuu ka fekerayaa kubaddu dhinac yeysan kaa dhaafin iyo labada tiir may isu dhowaadaan.


Goobtaan carruurtu ku faraxsan tahay boqolaal qof ayaa 50 sano ee la soo dhaafay toogasho lagu fuliyey, intaa indhaha laga xiro, garba duubna loogu xiro tiirarkaan, intaan xabaddu ku dhicin waxa maankooda ku jiraa qiyaastii waxay ahayd halkee xabadda ugu horaysaa kaaga dhacaysaa, duniduu ka sii tegeyo walbahaarkeeda, waxa lagu dilay aysan xaq ahayn, wixii uu sameeyey in ay khalad ahaayeen oo uu ka qoomamaynayo, dunidii iyo wixii kale ee qoys iyo duunyo ah ee uu ka tegayo siday ku danbayn doonaan, waase wax isugu soo ururaya murugo iyo ciil haynaya daqiiqado yar oo nafta uga harsan ruuxaa toogashada u xirnaa tiirarkaan.

Tiirarku waa kuwo sanado badan taagnaa oo ma duugoobaan, mana dhacaan waa siduu jeclaan lahaa kan markaas dilka ugu xiran, markaan arkay carruurta iyo tiirkay ku ciyaarayaan sidaysan isugu war hayn, waxaan xasuustay Nairobi sheeko maalin iga soo martay, waa saldhigga Bangani oo xafadda Eastleigh ee Soomaalidu u badan tahay duleedkeeda ku yaal, waxay ahayd goob dadka sida xoolaha loogu kala gato sanado badan, waxaa kale oo u dheer kiisas badan oo wejiyo badan oo Somali is dacweysay u dhexeeya, subax aan alaab iga luntay diwaan gelinayey ayaa sarkaal diwaanka denbiyada qorayey ii yeeray, laba haween Soomaali ah oo joogtuu yiri iiga turjun, haweenka waxay ka cabanayaan haween kale oo ay islaayeen, gacanna isu qaadeen oo mid ka mid ah nabarro ayaa wejiga uga yaal.

Sarkaalkii ayaa yiri, waydii maxaad isku disheen oo idinka dhexeeya?
Waxay tiri, subax intaan guriga ka baxay eyey haweentaan islaynay iga hor timid markaasay isu kay buufisay oo indhaha kala saraysiisay, hiriif iyo haaraan, sanado bandanna dagaal shaanshiyeed ayey igu wadday sidaasaan isku dillay. Si aan u turjumo garan waayey ereyadaas, waxaanse ka soo qaaday inay luqadda caalamiga ah ee calaamadda ee dadka dhegaha naafada ka ah ku hadlaan oo kale ku cayday. Haweenaydii 2 saacadood oo ay war dacwo ah wadday sarkaalkii wuxuu qoro waa garan waayey, waase nin lacag qaatoo ma eryi karo oo wax kastoo la sheego oo aan la fahmi karin waa inuu fahmaa, waxaase igu soo dhacday muxuu dhib qaba qofka shisheeyaha ah ee wax Soomaali u dhexeeya is yiraahda ka gar qaybi.

Siyaasiyiinta Soomaalida khilaafkoodu waa is buufis iyo hiriif ay adag tahay in luqad kale lagu sheego, diblomaasiyiinta shisheeye ee Soomaalida u kala dab qaadda iyana dhibaatadaas faham darada ee askarigaas Kenyanka ah ku dhacday waa qabaan oo midkii u dacwoodaaba wuxuu sheegaa wax ay adagtahay in turjubaanka la joogaa uusan fasiri karin, diblomaasigaasi waa nin dan kale ka leh wadankoo ku khasban inuu isku dayo inuu fahmo una dhegeysto.

Ka sii soco, wadooyinka xiran ee Muqdisho waxay guul kale u noqotay carruurta oo jidadka dhagaxaanta waaweyni ku xiran tahay ka helay goobo banaan oo ay ku cayaaraan, kadib markii dadkoodii ka waaweynaa dhisteen meel kastoo banaanayd oo carruurta iyo dadkuba ka heli lahaayeen barxado ay ku jimicsadaan.
Gunaanad sheekooyinka jihooyinka badan ee wadanka Soomaaliya yaal waa kuwo xiiso badan haddii la helo qalin geya.
intaas googooska qalinkayga saaka ugu jimcaysta.

Comments

Popular posts from this blog

Laba bogleynta dadka Soomaaliyeed xilligaan doorashada

Carwo buugeedka Muqdisho wuxuu ahaa ishii isbedelka noloshayda

Saamaynta Covid-19 ku yeeshay xarrumaha afka, dhaqanka iyo wax akhriska