Carwo buugeedka Muqdisho wuxuu ahaa ishii isbedelka noloshayda
Sanadku waa 2015, goobtu waa Muqdisho, goortu waa bacdal
makhrib, waa hotelkii la oran jiray City Palace, haddase loo yaqaan Royal Palace,
waana carwo buugeedkii ugu horeeyey ee Muqdisho lagu qabtay, maalintii koowaad
ee carwo buugeedka ayaa soo dhamaaday.
Miis ayaan ku fadhinaa rag dhowr ah, waxay ka mid ahaayeen
martidii sanadkaas, waxaan ka xasuustaa Axmed Faarax Cali Idaajaa, Cismaan Cali (Aasaasaha madxafka Soomaalida ee Minneapolis). Waxaa nagu soo biirtay
gabar aad u da’yar, 14 jir ayey ahayd, gabadhu waa Sucaad, waxay deganayd iyada
iyo qoyskeedu guri aan ka fogayn halka hoteelka ku yaal, waa guri burbursanaa,
laakiin duruufaha uun baa ku khasbay inay isaga dhex noolaadaan.
Xaafadda Cabdilcasiis ee hoteelka City Palace ku yaalo waxay
ahayd meelihii dagaladdu sida xun u naafeeyeen, guryaha hoteelka ku hareeraysan
waa wada burbursanaayeen, dad yar ayaana ku noolaa oo qoyska Sucaad ka mid yahay.
Cismaan oo ay Sucaad dhinaciisa fariisatay ayaa waraysi ku
bilaabay, adeer magacaa, xaggee ka timid? Jawabihii ay u celisay kadib ayuu si
quman u waraystay, iskuul ma dhigataa? Maya ayey ku jawaabtay.
Markaas ayey gashay gabadhii inay ka waranto xaaladda
qoyskeedu ku sugnaa nolol ahaan, waxayna ka bilowday in ay fasalka sideedaad
uga hartay waxbarashadii, markii aabaheed oo muruq maal ahaa uu ku soo booday
xanuunka dhiig karka, wuxuuna ka curyaamay lugaha, gacmaha iyo qayb ka mid ah maskaxda,
sariir ayuu saaran yahay, hooyo iyada laftigeedu waa xanuunley, Sucaad iyo shan
carruur ahna waa kuwo ay ku adagtahay nolol meelkeedka, mana awoodin inay
iskuul oo bishii laga rabo 20 dollar iska bixiyaan, sidaas ayaana keentay inay
uga hartay waxbarashadii.
Raggii meesha fadhiyey sheekadii way damaqday, Cismaan ayaase goobtii ka sheegay
inay ku noqoto waxbarashadii, isaguna uu bixinayo lacagta, uuna qoyska wax yar
oo kale oo nolosha ay ku kabtaan ugu dari doono.
Balanqaadkii maalintaas wuu kaga dhabeeyey, telefonka qoyska
ayuu qortay, wuxuuna bilaabay in lacag boqol doolar ah, mararka qaarna ay
dheertahay dharka, buugta iyo ciiddaha uu qoyska si joogto ah ugu soo diro, waa
wax aad u yar lacag ahaan, waase wax badan marka loo eego nolosha qoyska Sucaad
oo markaas aysan jirin meel dakhli ka soo galo, waxayna u ahayd wax aad u badan.
Sucaad waxaan la kulmay 23kii bishaan Aogoosto
2019, madashaan kula kulmay waa isla barnaamijka carwada Muqdisho ee shan sano
ka hor kiisii ugu horeeyey aan ku kullannay, markaan waa gabar aad uga duwan
muuqaal ahaan iyo duruuf ahaan siday ahayd is arageenii koowaad.
Maxamed Cirro, ii waran, adeer isu kay sheeg, qofkaad tahay?, markaas
ayey ii bilowday inay i xasuusiso miiskii habeenkii 2015 aan fadhinay iyo
gabadhii yarayd ee noo timid inay iyada tahay.
Hadda Suscaad dugsi sare ayey dhamaysay, waxay kale oo sanad
tababar dhinaca maamulka ah ka samaysay machad Muqdisho ku yaal, waxay iiga
sheekaysay sheeko ka qurux badan tii maalintaas.
Waxay ka shaqayso laba shaqo, mar waa askariyad booliis ah,
sidoo kale waxay wakhtiyo ka shaqaysaa xarunta maamulka gobolka Banaadir, waxay
mushahar ahaan u qaaddataa lacag 400 oo doolar ka badan, carruurta intii kale
waxbarasho ayey aadan, waana qoys hadda si wanaagsan isu haysta, waxayna ku
jirtaa jamacad heerkii koowaad ee digriiga.
“Habeenkaas aan miiska imanayey waxaan keliya oo islahaa bal
soo arag dadka wax qora siday u egyihiin, ma dad ka waaweyn dadkaa, ma okiyaalo
waaweyn ayay gashadaan, ujeedka aan miiskiina u imid intaas ayuu ahaa, markaan
arkay inay dad cadiya yihiinna warkooda aad wax ka dhegeysatid ayaan is iri” ayey
tiri Sucaad.
Waxay tiri Alle ayaa mahadleh waxaan kale oo u mahad
celinayaa dadkii soo qaban qaabiyey carwo buugeedkaan oo ah kii Alle ka sokow
fure u noqday inaan noloshayda guul ka gaaro, adiga iyo odayaashii qalinleyda
ahaa ee habeenkaas meesha fadhiyeyna waan idin mahad celinayaa, waa sababta aan
kuugu imid.
“Carwo buugeedka Muqdisho waa isha isbedelka noloshayda,
waxanan u hayaa qadarin iyo abaal” ayey tiri Sucaad.
Anniga waa i faraxgelisay sida wax yar oo aad u kooban ay u
bedeshahay nolosha qoys dhan. Hadda guri ay kiraysteen oo ay u dhan yihiin
ilihii nololeed ee guri looga baahnaa ayaa qoyskii degan yahay, waxayna ku
joogaan dhabihii horumarka.
Carwada Buuta
Muqdisho oo shan sano jirsatay
Ma rabo inaan akhriste kaaga sheekeeyo madasha carwada
buugta, waxaanse ka oranayaa waa madasha keliya ee arrimo bulsho ee sanadlaha
ah ee dadka ugu badan oo dhalinyaro dumar iyo ragba ahi isuguyimaadaan, iyagoo
ka helo dood cilmiyeedyo iyo buugaag kala duwan.
Naadiga Maskaxshiil oo ku lahaa teendho uu buugta ku
iibinayey carwada buugta Muqdisho 2019, ayaa xubin ka mid ah oo markaas goobta
fadhiyey waxaan wax ka waydiyey inuu cabiri karo wax isbedel ah oo la taaban karo
oo isagu uu carwada buugta Muqdisho ka
dareemay.
“Shansano ka hor, cid buug ku fekeraysay iyo iibsigiis ma
jirin, anniga kula hadlayana ha ahaadee, haddda saddexda maalmood ee bandhigga
socday buugta laga iibsaday teendhada aan joogo 500 boqol oo koobi way ka badan
tahay, waxaa kale oo dheer boqolaal telefon oo nagu soo dhacaya, oo ah dad
gobollada iyo Muqdisho ka soo hadlaya, lacagana soo dirsanaya oo buug leh noo
qabta” ayuu yiri xubintii ka tirsanayd Maskaxshiil.
Waxaan anniga xaqiiqsaday in da’yarta ku hawlan carwadaas ee
kala maaraynta, soo dhoweynta, daadihinta barnaamijyada iyo qaban qaabada ka
shaqaynaya oo kuligood si mudatawacnimo leh u adeegaya ay yihiin rajo ummadda
Soomaaliyeed u soo baxday, ayna wax badan ku kordhin doonaan dhismaha qaranka
iyo dawladnimada Soomaaliya.
Maxamed Xasan Cirro
Sucaad waa qofka ila sawiran, wejigeeda waxaan u qariyey
sababo la xiriira hawsha ay ummada u hayso
Qiso cajiib ah wallaahi.
ReplyDeleteMaashaa allah, qiso aad u cajiiba weeye.
ReplyDeleteQiso Cajiib ah wlhi.
ReplyDeleteRuntii wey I xiiso galisay qisadani waanad ku mahadsantahay, sida wanaagsan ee aad noola wadaagtay. Runtii waxaan jeclaystay munaasabad casho sharaf ah oo la noo sameeyey dhalinyardii ka shaqeynaysay book fair ka habeen dhaweyd, inay isura galiweyday iyo anigoon idin kaa qaadan qisada warinteeda.
ReplyDeleteShukran ustaad Cirro. Aadbaan IGA helay Ramada kamuuqata qoyska sucaad iyo isbadelka horumar we Bandhigga buugtu ay soon kordhisay
ReplyDeleteMansha Allah waa qiso ku tusinaysa haday bulshadu isku isxaan fasho inyar ba allaha ka dhigee sidaa$100dolaar nolosha gabadha iyo reerkoda u badalay in aay wax badan is badali lahayeen waa na arin ku tusinaya in wax yar uu wax badan badali Karo
ReplyDeleteThanks ciro soo tabinta qisadan cibro qaadashada ah