Canjeelo wadaag dawladnimo ma wadaagi waayin!

Sawir/Berdaale/Muxiyadin Xusni oo Baydhabo jooga ayaa leh

Hadalkaan  gundhigga qormadayda, wuxuu ku baxay sanadkii 2011 oo abaar darani wadanka ka dhacday, waxaa ka dhashay in boqolaal qoys oo gobollada koonfurta ka soo barakacay ay qaxooti ahaan u soo galaan xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee waqooyi bari Kenya ku yaala.

Gabadh ka socotay hay’ad cilmi baaris ku samaysa wadamada khilaafyadu la degaan, ayaa loo soo diray Dhadhaab inay cilmi baaris ku aadan waxa Soomaalida khilaafkeedu salka ku hayao, warbixinna ka diyaariso.

Waxay tagtay Dhadhaab, iyadoo wadata turjumaankeedii, subaxii hore ayey ku kalahday aqalada cawska iyo qoryaha ka samaysan ee hoyga u ah qoysaska meesha degan, waa nolol adag, qoyskii ugu horeeyey hooyadii haysatay oo bir canjeelo (daawe) ku dubaysa, ilmo dhowr ahina ag fadhiyaan, xabaddii la dubo mid saxan yar soo taagaya ayey ugu tuuraysa.

Markii hooyadii loo sheegay gabadha diirka cadi waxay rabto, waxay ku jawaabtay “isuga daawaha (birta canjeelada) qoysaskaas kalaa sugaya, si ay iyana canjeelada ugu dubtaan”.

Intii ayaa loo sheegay gabadhii xogta raadinaysay, su’aal kale ayey waydiisay hooyadii, "ma halkaan bir ayaad qoysaskiinaan wadaagaysaan"? “Haa ayey tiri hooyaddii, weliba carrurta canjeelada aan ugu gurayo saxamada qaar ayaa qoysaskaas ka yimid, oo dugsi ka daahaya”.

Gabadhii intay buuggii iyo qalinkii isku laabtay ayey tiri “Xaqiiqda ii soo baxday waxaa weeye, dadka bir canjeeladaas wadaagayaa, inaysan dawladnimo wadaagi waayin ee wax kalaa jira” Waana iska tagtay.

Hal hayskaan waxaan u soo qaatay qaabka dadka Soomaaliyeed isugu xiran yihiin siday u xoog badan tahay, u gun dheertahay xarkaha marna aan go'ayn ee isku haya, waxaanad oganaysaa marka aad dhaqankeena wax ka fahanto, waa halka la yiraahdo ciddaasi waa gumowday, waa kuwa wakhtigaan oo kale ka hara hawlaha noocaan oo kale ah, waxaad dareemaysaa marka dhib dhaco sida gurmadka aan kala harka lahayn loo sameeyo.

Wakhtigaan fatahaadaha jira, deegaan, degmo, gobol, tuulo iyo magaalo kastoo dad Soomaaliyeed degan yahay waxaa ka socda gurmad damqasho oo aan loo kala harin,  ururin dhaqaale, raashin, dhar iyo adeegyo kale, ardaydii iskuulada ayaa meelaha qaar ka qayb qaadanaya gurmadka. Waa waxa qofkastoo Soomaali ah ku farxayo, kuna faanayo, waana meelaha Soomaalinimada saraynteeda aan kaga faani karno. gurmadkaan hadda Soomaalida samanayso xooggiisa hay'ad kastoo gargaar ma samayn karto, Kumaan arag dhaqanka noocaas ah wadamada kale, waxaana ugu wacan kala fogaanta bulshooyinka ku nool oo aad u xoog badan
.

Bulshada sida isku midka ah hal mar u wada gurmanaysa miyaa dawladnimo dhisan kari waayey? Meeshaas weli waa iga daadegi la’dahay anniga. Markaan arko sida wadamada deriska nala ah ay dadkoodu u kala tagsan yihiin, korkase isaga eg yihiin wax is haysta, sida dadka Soomaaliyeed aysan u kala durugsanayn, korkase uga eg yihiin kuwo kala tagsan, waa sawirka in badan ii muuqday.

Dhibaatada meeshay inaga haysato waayo badan oon u soo joogay khilaaf iyo isku dhac, damiirkeena bani’aadanimo ayaa damqashadiisu saraysaa, markayse wuxu siyaasad noqoto qofkastaa seeftiisaa u afaysan.

Waxaa seeftaas afaysan dab ku sii huriya dadka bulshada wax u sheega oo si khaldan fariinta u tebiya, sida reer hebel ayaa na necb, hebel waxaan ayuu sameeyey, reerkeennaa wax kasta istaahila inuu helo, nalama tix gelin, mana jirto hab bulshadu taas ku xaqiijin karto, waase la rumaystaa, tan kale dawladnimada dhibaatada inaga haysata ayaa ah in madaxtada timaadda lagu shaanbadeeyo in reerka uu ka dhashay leeyahay keliya dawladnimada, ilaalinteeda masuul ka yahay, dadka inuu wax ka siiyo loo bahan yahay, waa uun dhaqankii raacato nimada ee ahaa qofka geela la joogaa mulkigiisa leh, qofkii u yimaadana caano marti ah ka siiya.

Akhriste adigu dib isugu noqo, hadda dawladnimada ku taagersan tahay qabiilkeena ku xoog badan, waxaad tahay dhibaato, haddaa uga soo horjeedo dawladnimada qabiilkayga ma hayo xukunka waxaad tahay adigu isa sheeg. Waan wadaagi karnaa dawladnimo, waxaan haysannaase waa cantuugo jilaal canb can ayuu bidaa, meel aan wax ool, wax kasta la burburiyey, dhaqaale jirin ayaan isku xag xaganaynaa, qofkastoo xilkeeda qabtaa wuxu la mid yahay 20 jir Mudug jooga Alle uma ceeb qarin.

Sidaas aan ugu gurmanayno masiibooyinka si la mid ah inaan dhismaha dawladnimadeena ugu gurmanno, oo wada yeelano ayaa inagu waajib ah, Alle ha guuleeyo dadkeenna u taagan markasta wax wanaajinta.




Comments

Popular posts from this blog

Laba bogleynta dadka Soomaaliyeed xilligaan doorashada

Carwo buugeedka Muqdisho wuxuu ahaa ishii isbedelka noloshayda

Saamaynta Covid-19 ku yeeshay xarrumaha afka, dhaqanka iyo wax akhriska