Rag gogoshii waa nabad, ninkaan waxa uu ii sheegay akhri

Rag gogoshii waa nabad, laakiin waa ninka rag yaqaan, ninka fahmi kara arrintaan.
Mar aan gole rag odayaal ah kula kulmay tuulo ku taal gobolka Gedo ayuu mid ka mid ahi ii sheegay sheekadaan.

Annagoo tuulo ceel leh wada degan, bulsho kala qabiil ah ayaan ahayn, waxaan isku qabanay 15 sano ka hor ceelkii biyaha, annigaa cabaya iyo annaa kalka leh. orordkii iyo wax iska dhicintii nin ayaan dilay, dagaalkiina rag kalaa ku dhintay oo labada dhinac ah, maalintaas ayaan ku kala guurnay tuuladii, labadayadii reer mid walba tuulo uu leeyahay ayuu dhistay. Dadkayagii ceelka wada cabi jiray, waxay dani nagu keliftay in gaade iyo aargoosi arintii isu bedesho.


Anniga kuu sheekaynayaa 10 sano qorigayga amaan ma xirin, habeenkiina gurigayga ma seexdo si aan gaade isaga ilaaliyo. mudadaas dhibka i soo gaaray ma tirin karo, hadaanse wax kaaga sheego ayuu ii sii raaciyey.


Laba goor xabad ayaa marba igu qaraxday, mar lugta ayey iga jebisay, marna bawdaday i jiiraysay, tan ugu daran habeen habeennada ka mid ah annigoo meel ku gabanaya ayaan arkay humaag xagaygii u soo socda, gaade ayaan mooday oo xabad ayaan ku riday, dhulkaan la dhigay, mise taahiisii iyo qayladiisii wuxuu noqday wiilkaygii curad. 


Subaxii markaan aasnay maydkii wiilkayga ayaan raggii ku iri war dhimanaye maxaa inoo dan ah, aan qoor dhiibano, ergaan u dirnay dhinacii kale, markaan u sheegay dhibka inta colownay i gaaray, waxay sheegeen dhinacii kalena iyana in dhibaatooyin kuwaas ka badan ku dhaceen. waxayna go'aansadeen inay iska iloobaan wixii dhintay, tuuladoodiina dib ugu soo noqdaan. Shan sano ka hor ayaan tuuladii dib u magaalaynay, waxaan isu nahayna ogaanay.


Sheekadaan ninkii ay ku dhacday oo aan kula kulmay tuulo Doolow gobolka Gedo u dhow ayaa iiga sheekeeyey.

Comments

Popular posts from this blog

Laba bogleynta dadka Soomaaliyeed xilligaan doorashada

Carwo buugeedka Muqdisho wuxuu ahaa ishii isbedelka noloshayda

Saamaynta Covid-19 ku yeeshay xarrumaha afka, dhaqanka iyo wax akhriska