Soo jeedinta Co-federation, armay la mid noqotaa labadii tijaabo ee hore (SSDF iyo Federal)?


Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa ayaa hadal uu ka jeedinayey madal Garoowe lagu kulmay ka sheegay hadal ah in hanaanka Federaalka hadda la haystaa aysan ahayn mid Soomaali u cuntanta, loose bahan yahay in wadanka laga dhigo co-federation.

Ummaduhu waxay ku tanaadaan is tix gelin ku salaysan aragtiyaha ku qotoma mabaadiida siyaasadeed ee bulsho isla ogolaato, si ay ugu wada noolaato nabad iyo sinaan.

Soomaaliya waa wadan bed ahaan lagu qiyaaso 637,000 kmSq, waxa degaa hal qawmiyad oo Soomaali la yiraahdo. Hanaan dawli ah oo dhinaca dimoqoraadiyadda ah ayaa ka hana qaaday markii xornimada la qaatay 1960, waxaase dhibaato ku noqday musuq maasuq, eex, ninjeclaysi iyo danaysi, taasina waxay keentay markii danbe in ciidamadii xoogga dalku talada la wareegaan.

Iyadoo wadanka hal hogaan ka taliyo, ayaa siyaasiyiin ka soo jeeda gobollada waqooyi bari Soomaaliya, waxay aasaaseen jamhad la oran jiray SSDF, oo ah tii ugu horaysay jamhadihii faraha badnaa ee wadanka gees ilaa gees shiday. Sida ay sheegeen hogaankii jamhadaani, waxaa ujeedka loo aas aasay ahayd inay wadanka badbaadiyaan. Waxayse bilaabeen wax aan horay ummadda Soomaaliyeed u aqoon, taasoo ah, inay saldhigeedu noqdo Itoobiya oo cadaawadi kala dhaxaysay Soomaalida, dadkuna u haystaan inaan marna cadow la magan geli karin. Mase dhicin oo waxay furtay dariiq cusub, waxaana ku dayday oo dariiqii maray jabhado kale SNM, SPM iyo USC.

Ciyaartii ay dheleenna gebagebadeedii waxay noqotay halka maanta la taagan yahay, oo ah markii nidaamkii ay rideen inay ku guul daraysteen inay dawladnimadii dhisaan. Is haysiga iyo khilaafka dadka Soomaaliyeed markaad muuqaalkiisa guud eegto wuxuu u eg yahay qabaa’il wax isku haya, arrintise xaqiiq ahaan waxaa is haya waa dad dano xukun jacayl madax maray oo qabiilka adeegsanaya.

Waa la burburay, tuulo tuulo qabaa'il is diidani xukumaan ayaa wadankii noqday, iyadoo duruuftaas lagu jiro ayaa haddana markale isla bulshadii Waqooyi bari siyaasiyiin ka mid ahi ay amaamudeen hanaan dadka ku cusub, waa Federaalisam, lama yaqaan, inta laga sharaxay waa in yar oo qurxoon oo ah in cid kastaa degaankeeda iyadu maamul u samaysato (waxna la kala yeesho waxna la wada lahaado), kadibna maamul guud la isugu yimaaddo, waxaase Soomaalida la dhacsiiyey inay tahay wadada saxda ah ee lagu najaxayo, ciddii ka hor timaaddana tahay kuwo aan dawladnimo rabin, Soomaalidiina waxay noqotay mid afkaarta dadka wata qabiil ahaan ku taageera iyo kuwo dano kale oo siyaasadeed ku taageera, markii badda lugaha la soo wada geshayna, waxaa uun la arkay inay tahay nooc cusub oo ay ku soo baxday xuduud iyo maamul ku qotoma qabiil, soona saaray madax u dhaqmaysa sidii dagaal oogayaashii 1990maadkii bilowgeedii wadanka inuu xasilo u diiday. Waxayna abuurtay walaac hor leh oo dadka Soomaaliyeed ka qabaan federal wuxuu yahay iyo wuxuu ku keenayo mustaqbalka.

Hadda arrinta markale wasiir Juxa sheegay, waa wax kale oo cusub, waa maxay? waa co-federation, muusan sharixin wasiirku, waxay ku wacnaan lahayd inuu khudbadiisii ku yara iftiimiyo waxay isaga ugula wacan tahay in hanaankaani yahay mid sax ah, wuxuu kaga duwan yahay kuwii hore. Mise waa uun fikir cusub oo laab la kac ah oo la mid ah sidii ay ku samaysmeen labadii fikir ee ka horeeyey, wuxuuse kaga duwan yahay fikirkaan cusub anniga intaan ka fiiriyey dadka dhexdiisa, ma jirto durbaan xoogan oo loo garaacay iyo soo dhoweyn, si loo qaato waxaan cusub, wuxuuse ku jira kar karin, sida qofka maqaalkaan qoray oo kale;

Ujeedka maqaaalkayga wuxuu yahay; in Soomaaliya marba wax cusub oo aysan horay u arag miiska la soo saaro, maxaa dan ah oo ku jira?, waan jeclaan lahaa in taas wasiir Juxa iyo ragga la qaba fikirkaan cusub ay ii sharaxaan, hadday baraare iyo wax noo keenaya wada jir ay tahay shuruud la’aan ayaan la qaadanaynaa.?

 Waxaa la yiri booraan hadimo ha qodin, haddaa qoddo ha dheerayn ku dhici doontaa ma ogide. Waxaan taan uga dan leeyahay, marka la fiiriyo qaabka siyaasadda ee Puntland ka jira, waa hanaan maamul goboleed, xubno baarlamaan ayaa doorta madaxweyne meerto u ah hal qoys oo bulshada degaankaas ka mid ah, ayna isu bedelaan kursiga, waxayna tani fogaysay qoysaska kale ee tolalka la ah ee deegaanka kuwada nool. In ka badan 20 sano oo Puntland dhisnayd lagama hir gelin tira koob bulsho, xisbiyo iyo hab keeni kara doorasho qof iyo cod, waxay u dhici wayday, waa su’aal kale oo la is waydiinayo?.

Hanaanka Co-federation ee wasiir Juxa ka dhawaajiyey wuxuu iila egyahay wax aad ugu dhow sidii maamul u shaqeeya dawlad madax banaan (waa sida aan maankayga ka rogrogay), ma la is waydiiyey in cabashada dadka Puntland ee aan ahayn qoyska talada isu dhiiba ay qabaan, inay iyana mar aan fogayn keeni karto kacdoon ay ku dalbanayaan wax cusub, bilowga jabhad (SSDF), federal iyo co-federaal, taasina ay noqoto falaartii cirka loo ganay ee kii riday madaxa kaga dhacday.

Wasiir Juxa waa saaxiibkay, reer ahaanna isku beel ayaan ka soo jeednaa, marka ay noqoto abtiriska beelaha Soomaalida, ma hayaa wasiirku wax keeni kara maamul ay leeyihiin dadka Soomaaliyeed oo noqon kara mid cid kasta ay ku qanacsan tahay, hooyada Kulbiyow degan iyo tan Lawya caddo degan ay helaan xaq isku mid ah, lawada leeyahay, keentana waxeenna oo aan ahayn waxayga iyo annaa leh.
Waxaan aad ula sheekaystay dhalinyaro badan oo wakhtigaan heerka jamacadaha ku jira, ku kala nool laga soo bilaabo Boorame ilaa Kismaayo inta u dhaxaysa, waxay is waydiinayaan waxa Soomaalida oo hal qoys ahi u yihiin dad burburay, waa su’aashaas tan u bahan wasiir in looga jawaabo da’yarta hadda jirta ee adiga aad u tahay muunad ay ku dayanayaan, wixii gef ah ee qoraalkaan aad ku aragto waan ka cudur daaranayaa.
Maxamed Xasan

Comments

Post a Comment

Popular posts from this blog

Laba bogleynta dadka Soomaaliyeed xilligaan doorashada

Carwo buugeedka Muqdisho wuxuu ahaa ishii isbedelka noloshayda

Saamaynta Covid-19 ku yeeshay xarrumaha afka, dhaqanka iyo wax akhriska