Soomaalidu waa geesiyaal, waa been fakatay

Waxaa jira erey hees hawleed ay haweenka markay guryaha ka shaqaystaan ku heesaan. waxaa ka mid ahaa, midka geesiya ha guursan, marka geela la qaado, geb geb buu u ordaa, goobtaa la wadhaa, markaasaad goblantaa.

Geesiga ay bulshada Soomaaliyeed taqaan waa geesigaas waranka ku dhiiraan, waxaase la ogaaday inuusan kaasi geesiga ahayn ee qofkasi yahay axmaq. Geesiguse yahay qofka qaata go’aamo dhaxal gal ah oo masiirkiisa nololeed taabanaya. Soomaaliduse marna ma yeelin go’aamo geesinimo leh oo ay go’aammo mustaqbalkooda saameeya ku qaataan, tusaale; qodobaddaan kooban waa kuwii taariikhdii dhowayd ina soo maray ee aynu fursadahooda soo luminay.

Baresare Yaasiin Sheekh Muuse oo ahaa hormuudkii kuliyadda siyaasadda iyo istiraatijiyadda ee jamacaddii ummadda ayaa mar aan la sheekaystay maalin dhowd wuxuu ii sheegay.
“Ururkii SYL ee xornimo doonka khaladkii ugu weynaa ee uu galay waxay ahayd markii ay Ingiriiska oo dhulkii Soomaaliyeed isku haystay ay cayriyeen, kadibna Talyaani oo laga wada saaray geyiga ay soo ceshadeen”.

Sida taariikhdu sheegayso 1946 markii dagaalkii labaad dhamaaday, Ingiriiska oo wadamadii guulaystay ahaa, ayaa Soomaalida u soo jeediyey inay isaga la joogaan oo uu xornimo gaarsiiyo, maynu yeelin, hagardaamadii inaga raacday waa taas ilaa manta ina daba socota.
Markale 1964, ayaa Ingiriisku u soo jeediyey in Soomaalidu xiriir dhow la yeelato, dhulalkii Somaligalbeed iyo NFDna wada hadal ka furaan, Soomaalidu waa diidday.

1977 markii jabhadihii Soomaligalbeed dhul badan xoraysteen wadankii la oran jiray Midowgii Soofiyeeti, isagoo danaynaya labada wadan ee Itoobiya iyo Soomaaliya ayuu u soo jeediyey inay wada hadlaan, dhulkana si uun loogu heshiyo, Soomaaliduse waa diiday.

1986, Shirkadihii shidaalka ee Maraykanku waxay dawladdi Kacaanka u soo jeediyeen sami qaybsi ku aadan shidaalka iyo khayraadka Soomaaliya, dawladdii waa diidday, waxaana la sheegaa erey wefdigii shirkadaha shidaalka ka socday yiraahdeen oo ahaa “Waxaad hadda diiddeen idinkoo intaan ka tamar yar ayaad wax ka liita yeeli doontaan”.

Jabhadihii dawladdii Kacaanka ku kacay iyo dawladdii. Wada hadallo waa iska diideen. Ururadii jabhaduhu markay wadanka qabsadeen nabad iyo wax wadaag inay samaystaan waa diideen.
Gollihii maxkamadaha iyo dawladdii Cabdilaahi Yuusuf waxba waa iska yeeli waayeen
Akhriste intaan oo dhan iyo kuwo ka sii badan oo jiray waxaan u soo qaatay, haddii geesinimo aan leenahay go'aamadaas mustaqbalkeenii saamaynta ku yeeshay ayaan qaadan lahayn.

Hadda fursad kale oo manta hor taal madaxda Somaliland, taasoo ah inay wax heshiis iyo is faham la gaaraan dawladda Soomaaliya.
Arrinta goosashada, marka xaqiiq laga hadlo ma ahan Soomaalida kuwa iyagu manta go’aanka inay kuwada joogaan ama ku kala tagaan leh, siyaasi Soomaaliyeed iyo dadweyne midna talo gacan uguma jirto, wadamada dawladnimada jinni ee aan ku wareeray dabada ka riixaya ayaase Soomaaliya in la isku hayo ka arkay inay ku jirto maslaxadooda iyo tan gobolka.

Tusaale: Haddii maanta Soomaaliya lakala gooyo, cidda ku xigtaa ee kala googo’aysaa waa Itoobiya, Kenya iyo cidii kale ee ay badan yihiin khilaafyada qawmiyadeed ee ka dhex jiraa, waxayna gooni goosadka Afrika noqon doonaan tusbax xadhigga goostay, waana taas tan reer galbeedku aysan marna u rabin inay arrintaas isku furaan. Waxa geeska Afrika ka socdana Soomaalida, Itoobiya iyo Ereteriya midna wax kama bedeli karto.

Waxaan annigu talo ku soo jeedin lahaa inay go’aan qaraar qaataan siyaasiyiinta Somaliland, si kastoo maanta ay uga xumaadaan dadku, sanado aan fogayn ayey midhaheeda arki doonaan.Haddii aysan saas yeelin, ninkii noolow taariikh danbe ka qor wixii arrini noqoto.

Comments

Popular posts from this blog

Laba bogleynta dadka Soomaaliyeed xilligaan doorashada

Carwo buugeedka Muqdisho wuxuu ahaa ishii isbedelka noloshayda

Saamaynta Covid-19 ku yeeshay xarrumaha afka, dhaqanka iyo wax akhriska