Posts

Wax sibiq inagu soo galay, inaguse sal balaartay (Taabug, Shiishad & Qaad)

Image
Muqdisho xilligaan dadaalada ugu badan ee wacyi gelinta bulshada waxaa meel sare kaga jira joojinta isticmaalka Taabu. Waa daroogo u samaysan sida tubaakada, canka la gashado, da'yarta xilligii waxbarashada ku jirta ayaana  aad u isticmaasha. Waxaa lagu sameeya, lagana soo dhoofshaa Hindiya, iyadoo lagu soo qoro Afsoomaali lagu xayeysiinayo. Haddaba wax kastoo qaribaya bulshadeenna markay soo gelayaan bilowga hore wadanka, waxaa loo sameeyaa dacaayo aad loogu buun buuninayo, magacyo fiican ayaa laga soo hormariyaa, dadku sida baalaley isugu soo ururtay nal ka baxaya goob mugdi ah ayey ugu uruuraan, marka la wada qabatimo ayaa waxyeeladeeda la arkaa. Taabu ka hor waxaa ina soo galay Qaad iyo Shiishad, side ku bilowdeen aan wax yar ka iftiimiyo. Qaadka Waa wax sahlan in markaad qof wax wanaagsan uga sheegto wax uusan horay u arag, qaadku wuxuu dadka Soomaaliyeed ku soo galay hab sibiq ah (fudud), wadaadadii dariiqooyinka ayaa eediisa leh, waxay ka sheegeen wax wanaagsan, inu...

Canjeelo wadaag dawladnimo ma wadaagi waayin!

Image
Sawir/Berdaale/Muxiyadin Xusni oo Baydhabo jooga ayaa leh Hadalkaan  gundhigga qormadayda, wuxuu ku baxay sanadkii 2011 oo abaar darani wadanka ka dhacday, waxaa ka dhashay in boqolaal qoys oo gobollada koonfurta ka soo barakacay ay qaxooti ahaan u soo galaan xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee waqooyi bari Kenya ku yaala. Gabadh ka socotay hay’ad cilmi baaris ku samaysa wadamada khilaafyadu la degaan, ayaa loo soo diray Dhadhaab inay cilmi baaris ku aadan waxa Soomaalida khilaafkeedu salka ku hayao, warbixinna ka diyaariso. Waxay tagtay Dhadhaab, iyadoo wadata turjumaankeedii, subaxii hore ayey ku kalahday aqalada cawska iyo qoryaha ka samaysan ee hoyga u ah qoysaska meesha degan, waa nolol adag, qoyskii ugu horeeyey hooyadii haysatay oo bir canjeelo (daawe) ku dubaysa, ilmo dhowr ahina ag fadhiyaan, xabaddii la dubo mid saxan yar soo taagaya ayey ugu tuuraysa. Markii hooyadii loo sheegay gabadha diirka cadi waxay rabto, waxay ku jawaabtay “isuga daawaha (birta canjee...

Soo jeedinta Co-federation, armay la mid noqotaa labadii tijaabo ee hore (SSDF iyo Federal)?

Image
Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa ayaa hadal uu ka jeedinayey madal Garoowe lagu kulmay ka sheegay hadal ah in hanaanka Federaalka hadda la haystaa aysan ahayn mid Soomaali u cuntanta, loose bahan yahay in wadanka laga dhigo co-federation. Ummaduhu waxay ku tanaadaan is tix gelin ku salaysan aragtiyaha ku qotoma mabaadiida siyaasadeed ee bulsho isla ogolaato, si ay ugu wada noolaato nabad iyo sinaan. Soomaaliya waa wadan bed ahaan lagu qiyaaso 637,000 kmSq, waxa degaa hal qawmiyad oo Soomaali la yiraahdo. Hanaan dawli ah oo dhinaca dimoqoraadiyadda ah ayaa ka hana qaaday markii xornimada la qaatay 1960, waxaase dhibaato ku noqday musuq maasuq, eex, ninjeclaysi iyo danaysi, taasina waxay keentay markii danbe in ciidamadii xoogga dalku talada la wareegaan. Iyadoo wadanka hal hogaan ka taliyo, ayaa siyaasiyiin ka soo jeeda gobollada waqooyi bari Soomaaliya, waxay aasaaseen jamhad la oran jiray SSDF, oo ah tii ugu horaysay jamhadihii faraha bad...

Rag gogoshii waa nabad, ninkaan waxa uu ii sheegay akhri

Image
Rag gogoshii waa nabad, l aakiin waa ninka rag yaqaan, ninka fahmi kara arrintaan. Mar aan gole rag odayaal ah kula kulmay tuulo ku taal gobolka Gedo ayuu mid ka mid  ahi ii sheegay sheekadaan. Annagoo tuulo ceel leh wada degan, bulsho kala qabiil ah ayaan ahayn, waxaan isku qabanay 15 sano ka hor ceelkii biyaha, annigaa cabaya iyo annaa kalka leh. orordkii iyo wax iska dhicintii nin ayaan dilay, dagaalkiina rag kalaa ku dhintay oo labada dhinac ah, maalintaas ayaan ku kala guurnay tuuladii, labadayadii reer mid walba tuulo uu leeyahay ayuu dhistay. Dadkayagii ceelka wada cabi jiray, waxay dani nagu keliftay in gaade iyo aargoosi arintii isu bedesho. Anniga kuu sheekaynayaa 10 sano qorigayga amaan ma xirin, habeenkiina gurigayga ma seexdo si aan gaade isaga ilaaliyo. mudadaas dhibka i soo gaaray ma tirin karo, hadaanse wax kaaga sheego ayuu ii sii raaciyey. Laba goor xabad ayaa marba igu qaraxday, mar lugta ayey iga jebisay, marna bawdaday i jiiraysay, tan ugu daran habeen ha...

Carwo buugeedka Muqdisho wuxuu ahaa ishii isbedelka noloshayda

Image
Sanadku waa 2015, goobtu waa Muqdisho, goortu waa bacdal makhrib, waa hotelkii la oran jiray City Palace, haddase loo yaqaan Royal Palace, waana carwo buugeedkii ugu horeeyey ee Muqdisho lagu qabtay, maalintii koowaad ee carwo buugeedka ayaa soo dhamaaday. Miis ayaan ku fadhinaa rag dhowr ah, waxay ka mid ahaayeen martidii sanadkaas, waxaan ka xasuustaa Axmed Faarax Cali Idaajaa, Cismaan Cali (Aasaasaha madxafka Soomaalida ee Minneapolis). Waxaa nagu soo biirtay gabar aad u da’yar, 14 jir ayey ahayd, gabadhu waa Sucaad, waxay deganayd iyada iyo qoyskeedu guri aan ka fogayn halka hoteelka ku yaal, waa guri burbursanaa, laakiin duruufaha uun baa ku khasbay inay isaga dhex noolaadaan. Xaafadda Cabdilcasiis ee hoteelka City Palace ku yaalo waxay ahayd meelihii dagaladdu sida xun u naafeeyeen, guryaha hoteelka ku hareeraysan waa wada burbursanaayeen, dad yar ayaana ku noolaa oo qoyska Sucaad ka mid yahay. Cismaan oo ay Sucaad dhinaciisa fariisatay ayaa waraysi ku bilaabay,...

Jamac Fariid muxuu ka tegey oo aan marna la ilaawi doonin?

Image
Jamac Saleebaan Fariid Alle ha u naxariisto wuxuu ku geeriyooday qaraxii ka dhacay Hotel Madina ee magaalada Kismayo 12 July 2019. Qiyaas ahaan wuxuu dhashay 1974, xilligii abaartii dabadheer wadanka ka dhacday, isaga iyo qoyskiisuna waxay ahaayeen dadkii la dejiyey degmada Sablaale ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasoo uu ku dhameeyey waxbarashadiisii hoore iyo sare. Jamac waxaan bartay wakhti da’dayda ay ka yarayd 10 jir, oo aan kuwada kornay degmada Sablaale, ilaa wakhtigaasna waxaa uu ahaa xiriirkeena mid joogto oo markasta aan kala war hello. Goobaha ugu badan ee kulankeena waxay ahayd Nairobi oo uu si joogto ah u imanayey, wixii horumar iyo fikir ahna aan kala qaadanaynay. Maalmahaas oo aan magaalada ku sugnaa wuxuu ii ahaa saaxiib dhow oo magalada igu soo dhoweeyey, waxaana isugu kaaya danbaysay is maqal ahaan wax ka yar 20 daqiiqo intaan qaraxu dhicin, oo qorshahana ahaa kulan casho fiidka 12 July xilliga cishaha inaan isugu tagno goobta Qaraxu ka dhacay, (Balantii ...

Hadaad qaad cunis ku gaarto 1da habeennimo, wiilkaagana filo inuu ku gaarayo 3da arroornimo

Bulsho dhaqamo kale ah markaad kulan la tagto wax uun garaad ah ayaa kaaga soo kordhaya. Maanta waxaan tegey iskuul wiilkaygu dhigto, waxaana ay ahayd maalinta  abaal marinta arday kasta wuxuu ku wacan yahay. In kastoo ay farxad ii ahayd in wiilkayga la gudoonsiiyey abaal marin uu ku fiican yahay Fisikiska, Xisaabta iyo Anshax wanaagga fasalka.  Waxaa igu muhiimsan ee aan kulanka ku arkay wuxuu ahaa. Waxaa marti sharafeed u aaa Dr. Kinyanjui Ngan’ga oo ah nin dhinaca arrimaha bulshadda wax ka qora gaar ahaanna buuga xiisaha badan ee Weligaa ha raadin Shaqo (Never look for a Job). Hadal uu jediyey ayaan wax kala baxay maruu waalidka la hadlayey.  Wuxuu yiri: Aabaha 3 subaxnimo, waa xilliga waa soo dhowaadka khamriga ku gaara, ha ogaado wiilkiisuna inuu 4ta subanimo ku gaarayo. Aabaha Qaad cunis ku gaara 1da habeenimo, ha ogaado wiilkiisuna inuu ku gaarayo 2da habeennimo. Anniguna waxaanku darsaday. Hooyada Filim musalsal ah iyo tv fiirsi ku gaarta 12 habeennimo ha o...