Jamac Fariid muxuu ka tegey oo aan marna la ilaawi doonin?

Jamac Saleebaan Fariid Alle ha u naxariisto wuxuu ku geeriyooday qaraxii ka dhacay Hotel Madina ee magaalada Kismayo 12 July 2019. Qiyaas ahaan wuxuu dhashay 1974, xilligii abaartii dabadheer wadanka ka dhacday, isaga iyo qoyskiisuna waxay ahaayeen dadkii la dejiyey degmada Sablaale ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasoo uu ku dhameeyey waxbarashadiisii hoore iyo sare.
Jamac waxaan bartay wakhti da’dayda ay ka yarayd 10 jir, oo aan kuwada kornay degmada Sablaale, ilaa wakhtigaasna waxaa uu ahaa xiriirkeena mid joogto oo markasta aan kala war hello.
Goobaha ugu badan ee kulankeena waxay ahayd Nairobi oo uu si joogto ah u imanayey, wixii horumar iyo fikir ahna aan kala qaadanaynay.
Maalmahaas oo aan magaalada ku sugnaa wuxuu ii ahaa saaxiib dhow oo magalada igu soo dhoweeyey, waxaana isugu kaaya danbaysay is maqal ahaan wax ka yar 20 daqiiqo intaan qaraxu dhicin, oo qorshahana ahaa kulan casho fiidka 12 July xilliga cishaha inaan isugu tagno goobta Qaraxu ka dhacay, (Balantii Alle ayaase ka soo hormartay).
Mashaariicda kala duwan ee uu intuusan geeriyoon igu soo wareejiyey waxaa ka mid ahaa:
Dhulbeereed 19 higtar ah oo uu hawl geliyey kuna yaal degaanka Goobweyn, waxaa hadda ku beeran sisin, cawska xoolaha, digir, khudaar iyo geed mirood kala duwan.
Wuxuu qodayey biyo xireen uu ugu tala galay inuu kaydiyo biyo ka badan 3 kun oo qubic mitir tan, oo uu ugu tala galay in uu waraabiyo 500 higtar oo beer ah muddo afar bilood ah, si wax soo saarka tacabka uusan biyo ugu waayin xilliyada jiilaalku dheeraado ee webiga Jubba biyo yareeyo.
Wuxuu waday qalabaynta xarunta kaydka kalluunka ee Ceel Caafi ku taal xaafadda Dalxiiska Kismaayo, goobtaas oo hadda dhismayaashii diyaar yihin, lana yiraahdo xarunta kalluunka Kobora, iyadoo ganacsato u dhashay wadanka Shiinaha oo laba ka mid ahi goobta ku dhaawacmeen ay wadeen qalabaynta xarunta kaydka, tanoo qorshaheeda ahaa in heerka dhoofka kalluunka iyo isticmaalka guduhuba aysan waayin kalluun, iyadoo xilliga bad xiran ee u dhaxeeya Bilaaha 21 Juun ilaa 21 Seebteembar aysan xeebaha ka jirin kalluumaysi weyni, taasoo saamayn ku yeelata helitaanka kalluunka gudaha iyo dibadda.
Wuxuu waday mashruuc dhismaha guri afar dabaq ka kooban oo ku yaal xeebta xaafadda Calanley, gurigaasoo loogu tala galay inuu noqdo hotel five star ah oo Kismaayo yeelato.
Wuxuu qorshaynayey inuu dib u halw geliyo dhul beereed cabirkiisu yahay 200 oo higtar oo aan la beerin sodon sano oo la soo dhaafay, dhulkaas oo uu hadda qaybtiis geed goyn ku waday, wuxuuna ugu tala galay inuu ku beero dalagyada firaleyda, calafka xoolaha iyo inuu dhaqo lo’ iyo geel uu ku quudiyo calafka.
Waxaa ka shaqaynayey mashaariicdaas dad ka badan 30 qof. Hamigiisa ugu weyni wuxuu ahaa in la xoojiyo wax soo saarka gudaha. Hadalkii isugu kaaya danbeeyey ee aan is dhahno ayaa ahaa inaan qayb ka noqdo qorshayaasha wax soo saar, taasoo qorshe ahaan aan aqbalay.
Jamac wuxuu ahaa indhaha magaalada Kismaayo oo ah magaalo colaado qabiil oo sanado badan ka taagnaa bur buriyeen, kuna jirtay xilli soo kabasho, waxaanse rajaynayaa in wax badan laga baran doono geeridiisa kadib, ayna ku dhiiran doonaan ganacsato badan inay la yimaadaan aamin dhulkooda oo ay wax kala soo baxaan.
Alle ha u naxariisto 26kii qof ee dhintay qaraxa, inta dhaawac ahna Alle ayaan ka baryi inuu caafimaad siiyo, Jaamac wuxuu ka tegey lix carruur ah, saddex gabdhood iyo saddex wiil.

Comments

Popular posts from this blog

Laba bogleynta dadka Soomaaliyeed xilligaan doorashada

Carwo buugeedka Muqdisho wuxuu ahaa ishii isbedelka noloshayda

Saamaynta Covid-19 ku yeeshay xarrumaha afka, dhaqanka iyo wax akhriska