Hadaad qaad cunis ku gaarto 1da habeennimo, wiilkaagana filo inuu ku gaarayo 3da arroornimo

Bulsho dhaqamo kale ah markaad kulan la tagto wax uun garaad ah ayaa kaaga soo kordhaya.

Maanta waxaan tegey iskuul wiilkaygu dhigto, waxaana ay ahayd maalinta abaal marinta arday kasta wuxuu ku wacan yahay. In kastoo ay farxad ii ahayd in wiilkayga la gudoonsiiyey abaal marin uu ku fiican yahay Fisikiska, Xisaabta iyo Anshax wanaagga fasalka. 

Waxaa igu muhiimsan ee aan kulanka ku arkay wuxuu ahaa. Waxaa marti sharafeed u aaa Dr. Kinyanjui Ngan’ga oo ah nin dhinaca arrimaha bulshadda wax ka qora gaar ahaanna buuga xiisaha badan ee Weligaa ha raadin Shaqo (Never look for a Job). Hadal uu jediyey ayaan wax kala baxay maruu waalidka la hadlayey. 


Wuxuu yiri: Aabaha 3 subaxnimo, waa xilliga waa soo dhowaadka khamriga ku gaara, ha ogaado wiilkiisuna inuu 4ta subanimo ku gaarayo.

Aabaha Qaad cunis ku gaara 1da habeenimo, ha ogaado wiilkiisuna inuu ku gaarayo 2da habeennimo.
Anniguna waxaanku darsaday.


Hooyada Filim musalsal ah iyo tv fiirsi ku gaarta 12 habeennimo ha ogaato gabadheeduna inay ku gaarayso 1da habeynimo. 

Comments

Popular posts from this blog

Laba bogleynta dadka Soomaaliyeed xilligaan doorashada

Carwo buugeedka Muqdisho wuxuu ahaa ishii isbedelka noloshayda

Saamaynta Covid-19 ku yeeshay xarrumaha afka, dhaqanka iyo wax akhriska