Posts

Hopes and traps for Somali books and writers!

Image
Greetings to the literary & writing community; When you are alone you tend to conversate with yourself, you feel your emotions and mind itching with an idea. All this happens without talking or questioning.In the end, you feel that you must share the outcome of that internal conversation with others. You go and see an event, and the feelings of those who did it and those who were done on and what comes from it charges your mind with questions and answers,some you find solutions, others will open a wide range of issues, with the selection of a running avalanche of large stones about to fall down, then beneath the trees are holes in the beast that make you afraid, and when you look at the bottom of the tunnel, there lies water, birds of different kinds, sometimes drinking and sometimes cooling down themselves. , then shaking and plunging their colorful wings out of the water, bringing that impression to you with joy and happiness. Such sentiments are inherent in the fact t...

The Joy of a Pen

Image
One of the biggest triumphs of my life was transforming my thoughts into a book and honestly, it feels very special.   I always appreciate the world of writing. For many, writing has mostly been viewed as a skill that is used for fun but I have enjoyed it in many beautiful ways.   Writing is a source of happiness. Writing is an emotion. Writing is channel for our thoughts to flow through ink. Writing is a powerful tool, it can be used or abused. Writing is an art.   We write so as to express what we can not utter or explain through gestures. It is a mind-to-heart talk where we bring our thoughts to life and pour it on the lines of the blank page. Writing simply implies painting our inner voices.   An author does not just wake up and write so as to make a living. He/She wanted to express that burning thought or desire and so they sat down, took a pen and paper, and began writing.   Writing comes with many benefits. It is a good means to kill ...

Rejada iyo hurgumada uu leeyahay qoraaga iyo buugga Soomaaliyeed

Image
Salaan qiimo badan ayaan hawadda u soo marinayaa qalinleyda iyo bulshada akhriska jecel. Markaad keligaa tahay maskaxdaada waxaa ku furmaya isla hadal, waa wax ku xan-xantaynaya oo ku xiriirsan dhudka dareenkaaga, adigoon hadlin, lagaa hadlin ayey maankaaga gubayaan, jawaabta isla hadalkaagii ka soo baxday ayaa noqonaysa, in waxaad iskula hadashay yihiin wax ay tahay inaad dadka la wadaagto. Ka soco, waxaad aragtay dhacdo, ciddii samaysay iyo kuwii lagu sameeyey dareenkoodii iyo wixii ka dhashay ayaa maankaaga ka oogay su’aalo iyo jawaabo, qaarkood xal ayaad u heshaa, kuwana waxay kugu furan amuuro isku raran, waxay kula xulaan tog leh gebiyo dhagaxaan waaweyn oo soo dhici rabaa ka soo fooraraan, kuwaasoo markaad aragto layaab kugu ridaya, halka gebiyadaas hoostooda ay yihiin godad bahalo galeen ah oo kugu abuuraya cabsi iyo  maxaa kaaga soo bixi kara, markase aad salka hoose ee togga fiiriso, waxaa jiifa biyo, shinbiro  kala caynad ahi marna cabbayaan, markalena ku qabo...

Soomaalidu waa geesiyaal, waa been fakatay

Image
Waxaa jira erey hees hawleed ay haweenka markay guryaha ka shaqaystaan ku heesaan. waxaa ka mid ahaa, midka geesiya ha guursan, marka geela la qaado, geb geb buu u ordaa, goobtaa la wadhaa, markaasaad goblantaa. Geesiga ay bulshada Soomaaliyeed taqaan waa geesigaas waranka ku dhiiraan, waxaase la ogaaday inuusan kaasi geesiga ahayn ee qofkasi yahay axmaq. Geesiguse yahay qofka qaata go’aamo dhaxal gal ah oo masiirkiisa nololeed taabanaya. Soomaaliduse marna ma yeelin go’aamo geesinimo leh oo ay go’aammo mustaqbalkooda saameeya ku qaataan, tusaale; qodobaddaan kooban waa kuwii taariikhdii dhowayd ina soo maray ee aynu fursadahooda soo luminay. Baresare Yaasiin Sheekh Muuse oo ahaa hormuudkii kuliyadda siyaasadda iyo istiraatijiyadda ee jamacaddii ummadda ayaa mar aan la sheekaystay maalin dhowd wuxuu ii sheegay. “Ururkii SYL ee xornimo doonka khaladkii ugu weynaa ee uu galay waxay ahayd markii ay Ingiriiska oo dhulkii Soomaaliyeed isku haystay ay cayriyeen, kadibna...

Dhallinyarta Soomaaliyeed: Waa rajo ummadeed oo u bahan in la taageero

Image
Sawirka: Waa xafiiska isku xirka dhallinyarada Soomaaliyeed Ma ahan riyo, waa dhab in dhallinyarta Soomaaliyeed mar ahayd kuwa jecel dalkooda, dad isu hiiliya, isu ficilooda, waxay taageeri jireen cadaaladda, iyagoo diidi jiray dulmiga iyo duudsiga qofka bani’aadamka, waxaase ay luntay taasi waayadaan danbe markii Soomaalidu qabiil qabiil u qaybsantay, waxaa la waayey xooggii iyo xiribtii  Qarannimada lagu sugi lahaa oo dhallinyaradu u ahayd udub dhexaad, waxaa la tebey waddaniyiintii ku hubaysnayd mabaadii’da rajadada mustaqbalka iyo daljacaylka, waxaana sidaas sanado badan ku xabaal nololismay  hankii dalka loo qabay.   Bishii Noofeembar 12 2019, waxaan booqday xafiiska isku xirka dhallinyarada aqoonyahanada Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho, waase xafiis qabto hawl ka weyn inta magaciisu yahay. Markaan waraystay madaxa xafiiskaas Maxamuud Aadan Mumin iyo masuuliyiin kale, waxay ii sharaxeen, shaqada ururkaan dhalinyaradu isku xiro, waxaan ka soo qaa...

Wax sibiq inagu soo galay, inaguse sal balaartay (Taabug, Shiishad & Qaad)

Image
Muqdisho xilligaan dadaalada ugu badan ee wacyi gelinta bulshada waxaa meel sare kaga jira joojinta isticmaalka Taabu. Waa daroogo u samaysan sida tubaakada, canka la gashado, da'yarta xilligii waxbarashada ku jirta ayaana  aad u isticmaasha. Waxaa lagu sameeya, lagana soo dhoofshaa Hindiya, iyadoo lagu soo qoro Afsoomaali lagu xayeysiinayo. Haddaba wax kastoo qaribaya bulshadeenna markay soo gelayaan bilowga hore wadanka, waxaa loo sameeyaa dacaayo aad loogu buun buuninayo, magacyo fiican ayaa laga soo hormariyaa, dadku sida baalaley isugu soo ururtay nal ka baxaya goob mugdi ah ayey ugu uruuraan, marka la wada qabatimo ayaa waxyeeladeeda la arkaa. Taabu ka hor waxaa ina soo galay Qaad iyo Shiishad, side ku bilowdeen aan wax yar ka iftiimiyo. Qaadka Waa wax sahlan in markaad qof wax wanaagsan uga sheegto wax uusan horay u arag, qaadku wuxuu dadka Soomaaliyeed ku soo galay hab sibiq ah (fudud), wadaadadii dariiqooyinka ayaa eediisa leh, waxay ka sheegeen wax wanaagsan, inu...

Canjeelo wadaag dawladnimo ma wadaagi waayin!

Image
Sawir/Berdaale/Muxiyadin Xusni oo Baydhabo jooga ayaa leh Hadalkaan  gundhigga qormadayda, wuxuu ku baxay sanadkii 2011 oo abaar darani wadanka ka dhacday, waxaa ka dhashay in boqolaal qoys oo gobollada koonfurta ka soo barakacay ay qaxooti ahaan u soo galaan xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee waqooyi bari Kenya ku yaala. Gabadh ka socotay hay’ad cilmi baaris ku samaysa wadamada khilaafyadu la degaan, ayaa loo soo diray Dhadhaab inay cilmi baaris ku aadan waxa Soomaalida khilaafkeedu salka ku hayao, warbixinna ka diyaariso. Waxay tagtay Dhadhaab, iyadoo wadata turjumaankeedii, subaxii hore ayey ku kalahday aqalada cawska iyo qoryaha ka samaysan ee hoyga u ah qoysaska meesha degan, waa nolol adag, qoyskii ugu horeeyey hooyadii haysatay oo bir canjeelo (daawe) ku dubaysa, ilmo dhowr ahina ag fadhiyaan, xabaddii la dubo mid saxan yar soo taagaya ayey ugu tuuraysa. Markii hooyadii loo sheegay gabadha diirka cadi waxay rabto, waxay ku jawaabtay “isuga daawaha (birta canjee...