Posts

Laba bogleynta dadka Soomaaliyeed xilligaan doorashada

Image
Xamaasadda ka dhalatay heshiiskii doorasho ee madaxda maamul goboleedyada iyo dawladda federaalka Soomaaliya ay ku gaareen Muqdisho Noofeembar 2020, waxay furtay wax aan la filayn oo ah in ay soo muuqato in wadanku doorasho aadayo wakhtigii loogu tala galay, waxaa kale oo heshiiskaas siyaasiyiinta Soomaalida dhex maray oofwareen ku noqoday shisheeye u soo hanqal taagayey inay marka khilaafka maamul goboleedyada iyo dawladda federaalka xal loo waayo ay u tahay fursaddii ay markale dib u heshiisiin ku qaban lahaayeen wadanka dibadiisa, si ay miiska u keenaan siyaasiyiin ay doonayaan in markale saaxadda ku soo noqdaan. Doorasho in la galo hawl sahlan ma ahan, wakhtiga yar ee haray marka loo eego, waxaase la sameeyey habraac iyo sida xubnaha baarlamaanka loo soo dooranayo iyo goobaha lagu soo dooranayo, tanoo ah hawl weyn oo qabsoontay rajadana kordhisay. Maalmo aan Muqdisho joogay waxaan karay in uu bilowday dareen bulshada ka dhex jira, kun saabsan doorashada iyo wax ka imaan kara. Askar...

Garoonka toogashada mise garoonka cayaarta

Image
Garoonkaan sawirkiisa aad u jeedaan hadda carruur ayaa ku ciyaaraysa, mase ahan goob cayaar, waa goobta lagu toogto dadka ee caanka ah loona yaqaan “tiirka” ee ku yaala xaafadda Afisiyoone ee Muqdisho, goobta askarta wax tooganaysaa ruugga dhigtaan markay wax shiishayaan ayaa u ah garoon, halka tiirarkii qofka la dilayo lagu xirana u yihiin gool. Carruurta ku ciyaaraysaa waa faraxsan yihiin, waxay hadba dhinac u eryayaan kubad yar oo dhinac ka go’an oo laba tiir oo ah kuwa dadka la tooganayo lagu xiro gool u tahay, ilmaha gool hayaha ahi wuxuu ka fekerayaa kubaddu dhinac yeysan kaa dhaafin iyo labada tiir may isu dhowaadaan. Goobtaan carruurtu ku faraxsan tahay boqolaal qof ayaa 50 sano ee la soo dhaafay toogasho lagu fuliyey, intaa indhaha laga xiro, garba duubna loogu xiro tiirarkaan, intaan xabaddu ku dhicin waxa maankooda ku jiraa qiyaastii waxay ahayd halkee xabadda ugu horaysaa kaaga dhacaysaa, duniduu ka sii tegeyo walbahaarkeeda, waxa lagu dilay aysan xaq ahayn, wixii uu samee...

Saamaynta Covid-19 ku yeeshay xarrumaha afka, dhaqanka iyo wax akhriska

Image
Xanuunka Covid -19 ee dunida ka jira ayaa hakiyey kulamadi, bandhigyadii buugta iyo hawlihii xarumaha wax akhriska ay bulshada u hayeen, iyadoo wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ilaa hadda xaqiijisay 2146 kiis oo xanuunka karoona soo ritay, halka dhmashaduna tahay 406 qof.  Cabdiraxmaan Maxamed Ibraahim oo ka mid ah masuuliyiinta xarunta Maankulan ee magaalada Kismaayo ayaa sheegay in  talaabooyinka looga hortegayo fayraska karoonaha oo ay ka mid tahay in dadku kala fogaadaan ay keentay in ay xarunta xiraan tan iyo bishii Maarso ee sanadkaan, taasoo keentay in  dhallinyartii xarunta  maalin kasta sida joogtada ah wax ugu akhrisan jirtay guryahooda joogaan. “Waxaa kaloo baaqday barnaamijyadii doodaha aqoon kororsiga ahaa oo bil kasta la qabanayey iyo falanqayn todobaad walba loogu samaynayey buugta ee xarunta ka dhacayey” ayuu yiri Cabdiraxmaan. Naadigaan oo qaban jiray sanadkasta carwo buugeedka Kismaayo (KBF) ayaa sheegay in haddii saamaynta xanuunka ay sii ...

Hopes and traps for Somali books and writers!

Image
Greetings to the literary & writing community; When you are alone you tend to conversate with yourself, you feel your emotions and mind itching with an idea. All this happens without talking or questioning.In the end, you feel that you must share the outcome of that internal conversation with others. You go and see an event, and the feelings of those who did it and those who were done on and what comes from it charges your mind with questions and answers,some you find solutions, others will open a wide range of issues, with the selection of a running avalanche of large stones about to fall down, then beneath the trees are holes in the beast that make you afraid, and when you look at the bottom of the tunnel, there lies water, birds of different kinds, sometimes drinking and sometimes cooling down themselves. , then shaking and plunging their colorful wings out of the water, bringing that impression to you with joy and happiness. Such sentiments are inherent in the fact t...

The Joy of a Pen

Image
One of the biggest triumphs of my life was transforming my thoughts into a book and honestly, it feels very special.   I always appreciate the world of writing. For many, writing has mostly been viewed as a skill that is used for fun but I have enjoyed it in many beautiful ways.   Writing is a source of happiness. Writing is an emotion. Writing is channel for our thoughts to flow through ink. Writing is a powerful tool, it can be used or abused. Writing is an art.   We write so as to express what we can not utter or explain through gestures. It is a mind-to-heart talk where we bring our thoughts to life and pour it on the lines of the blank page. Writing simply implies painting our inner voices.   An author does not just wake up and write so as to make a living. He/She wanted to express that burning thought or desire and so they sat down, took a pen and paper, and began writing.   Writing comes with many benefits. It is a good means to kill ...

Rejada iyo hurgumada uu leeyahay qoraaga iyo buugga Soomaaliyeed

Image
Salaan qiimo badan ayaan hawadda u soo marinayaa qalinleyda iyo bulshada akhriska jecel. Markaad keligaa tahay maskaxdaada waxaa ku furmaya isla hadal, waa wax ku xan-xantaynaya oo ku xiriirsan dhudka dareenkaaga, adigoon hadlin, lagaa hadlin ayey maankaaga gubayaan, jawaabta isla hadalkaagii ka soo baxday ayaa noqonaysa, in waxaad iskula hadashay yihiin wax ay tahay inaad dadka la wadaagto. Ka soco, waxaad aragtay dhacdo, ciddii samaysay iyo kuwii lagu sameeyey dareenkoodii iyo wixii ka dhashay ayaa maankaaga ka oogay su’aalo iyo jawaabo, qaarkood xal ayaad u heshaa, kuwana waxay kugu furan amuuro isku raran, waxay kula xulaan tog leh gebiyo dhagaxaan waaweyn oo soo dhici rabaa ka soo fooraraan, kuwaasoo markaad aragto layaab kugu ridaya, halka gebiyadaas hoostooda ay yihiin godad bahalo galeen ah oo kugu abuuraya cabsi iyo  maxaa kaaga soo bixi kara, markase aad salka hoose ee togga fiiriso, waxaa jiifa biyo, shinbiro  kala caynad ahi marna cabbayaan, markalena ku qabo...

Soomaalidu waa geesiyaal, waa been fakatay

Image
Waxaa jira erey hees hawleed ay haweenka markay guryaha ka shaqaystaan ku heesaan. waxaa ka mid ahaa, midka geesiya ha guursan, marka geela la qaado, geb geb buu u ordaa, goobtaa la wadhaa, markaasaad goblantaa. Geesiga ay bulshada Soomaaliyeed taqaan waa geesigaas waranka ku dhiiraan, waxaase la ogaaday inuusan kaasi geesiga ahayn ee qofkasi yahay axmaq. Geesiguse yahay qofka qaata go’aamo dhaxal gal ah oo masiirkiisa nololeed taabanaya. Soomaaliduse marna ma yeelin go’aamo geesinimo leh oo ay go’aammo mustaqbalkooda saameeya ku qaataan, tusaale; qodobaddaan kooban waa kuwii taariikhdii dhowayd ina soo maray ee aynu fursadahooda soo luminay. Baresare Yaasiin Sheekh Muuse oo ahaa hormuudkii kuliyadda siyaasadda iyo istiraatijiyadda ee jamacaddii ummadda ayaa mar aan la sheekaystay maalin dhowd wuxuu ii sheegay. “Ururkii SYL ee xornimo doonka khaladkii ugu weynaa ee uu galay waxay ahayd markii ay Ingiriiska oo dhulkii Soomaaliyeed isku haystay ay cayriyeen, kadibna...