Taariikha aan inta badan la sheegin ee SYL, Dhacdadii Kismaayo 1952

Bishii Ogoosto 1952kii, waxaa Gudoomiyihii maamulka Talyaanigu booqasho ku tegey degmada Kismaayo. Waxana siyaasadda gumaysiga Talyaaniga ee ku wajahan xisbigii S.Y.L u qorshaysnayd, in laga hor joogsado dhaqdhaqaaq kasta iyo in aan marna la aqoonsan xisbigaas S.Y.L.
Talyaanigii waxay ku shireen guriga maamulka gumaysiga ee degmada Kismaayo, iyaga oo ka tashanaaya in ay lama huraan tahay in la garaaco dhaqdhaqaaqa xisbigaas,si aanuu gudoomiyaha Talyaanigu u arkin dhaqdhaqaaq aan ka ahayn xisbiyada iyaga raacsan, maxaa yeelay ? warbixintii ay isaga horay u gudbiyeen ayaa odhanaysey : dadka degan qobolka Kismaayo waxay taageersan yihiin siyaasadda dawladda Talyaaniga, sidaasna waxay u yeeleen si ay kalsoonidiisa u hantaan.
Haddaba xisbigii S.Y.L xaruntiisii ayuu ku kulmay, kolkaas oo xisbiyadii kale ee gumaysiga Talyaaniga raacsanaa ay usoo bexeen barxadda weyn oo ka soo horjeeda xafiiska gudoomiyaha degmada Kismaayo.
Waxana caddaan ahayd in xisbiga S.Y.L, uu ka firfircooni badnaa xisbiyadii Talyaaniga raacsanaa. Ujeedada Kulankaas xisbiga S.Y.L ma ahayn ismuujin iyo istustus ee waxay ahayd in uu beeneeyo warbixintii beenta ahayd ee guddoomiyaha Talyaaniga horay loogu gudbiyey, sidaasuuna xisbigu u soo banaanbaxay.
Markaasuu taliyihii Booliska Talyaanigu u soo diray horin boolis ah, oo ku hubaysan banaadiiq iyo bastoolado iyo burar, kuna amray in ay kala eryaan isu soo baxa Xisbiga S.Y.L.
Markaas waxay kala hortageen cagajuglayn iyo handadaad, hase yeeshee,madaxdii xisbigii S.Y.L waxay booliska ka codsadeen in ay u ogolaadaan in ay u tagaan duqa magaalada, si ay ugala hadlaan arintaas.
Isla markiiba askartii waxay ku bilaabeen in ay kala eryaan taageerayaashii xisbigii S.Y.L iyaga oo burar la dhacaaya, markaasey qaar taageerayaashii xisbiga bilaabeen in ay is difaacaan kolkaas xaaladdii waxay isu bedashay durba iska hor imaad xoog leh, haddaba isu gacanqaadkii u horreeyeyba waxa lagu dilay laba sarkaal iyo hal askari oo talyaani ah

Comments

Popular posts from this blog

Laba bogleynta dadka Soomaaliyeed xilligaan doorashada

Carwo buugeedka Muqdisho wuxuu ahaa ishii isbedelka noloshayda

Saamaynta Covid-19 ku yeeshay xarrumaha afka, dhaqanka iyo wax akhriska