Posts

Showing posts from October, 2019

Canjeelo wadaag dawladnimo ma wadaagi waayin!

Image
Sawir/Berdaale/Muxiyadin Xusni oo Baydhabo jooga ayaa leh Hadalkaan  gundhigga qormadayda, wuxuu ku baxay sanadkii 2011 oo abaar darani wadanka ka dhacday, waxaa ka dhashay in boqolaal qoys oo gobollada koonfurta ka soo barakacay ay qaxooti ahaan u soo galaan xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee waqooyi bari Kenya ku yaala. Gabadh ka socotay hay’ad cilmi baaris ku samaysa wadamada khilaafyadu la degaan, ayaa loo soo diray Dhadhaab inay cilmi baaris ku aadan waxa Soomaalida khilaafkeedu salka ku hayao, warbixinna ka diyaariso. Waxay tagtay Dhadhaab, iyadoo wadata turjumaankeedii, subaxii hore ayey ku kalahday aqalada cawska iyo qoryaha ka samaysan ee hoyga u ah qoysaska meesha degan, waa nolol adag, qoyskii ugu horeeyey hooyadii haysatay oo bir canjeelo (daawe) ku dubaysa, ilmo dhowr ahina ag fadhiyaan, xabaddii la dubo mid saxan yar soo taagaya ayey ugu tuuraysa. Markii hooyadii loo sheegay gabadha diirka cadi waxay rabto, waxay ku jawaabtay “isuga daawaha (birta canjeelada

Soo jeedinta Co-federation, armay la mid noqotaa labadii tijaabo ee hore (SSDF iyo Federal)?

Image
Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa ayaa hadal uu ka jeedinayey madal Garoowe lagu kulmay ka sheegay hadal ah in hanaanka Federaalka hadda la haystaa aysan ahayn mid Soomaali u cuntanta, loose bahan yahay in wadanka laga dhigo co-federation. Ummaduhu waxay ku tanaadaan is tix gelin ku salaysan aragtiyaha ku qotoma mabaadiida siyaasadeed ee bulsho isla ogolaato, si ay ugu wada noolaato nabad iyo sinaan. Soomaaliya waa wadan bed ahaan lagu qiyaaso 637,000 kmSq, waxa degaa hal qawmiyad oo Soomaali la yiraahdo. Hanaan dawli ah oo dhinaca dimoqoraadiyadda ah ayaa ka hana qaaday markii xornimada la qaatay 1960, waxaase dhibaato ku noqday musuq maasuq, eex, ninjeclaysi iyo danaysi, taasina waxay keentay markii danbe in ciidamadii xoogga dalku talada la wareegaan. Iyadoo wadanka hal hogaan ka taliyo, ayaa siyaasiyiin ka soo jeeda gobollada waqooyi bari Soomaaliya, waxay aasaaseen jamhad la oran jiray SSDF, oo ah tii ugu horaysay jamhadihii faraha bad