Posts

Showing posts from August, 2019

Rag gogoshii waa nabad, ninkaan waxa uu ii sheegay akhri

Image
Rag gogoshii waa nabad, l aakiin waa ninka rag yaqaan, ninka fahmi kara arrintaan. Mar aan gole rag odayaal ah kula kulmay tuulo ku taal gobolka Gedo ayuu mid ka mid  ahi ii sheegay sheekadaan. Annagoo tuulo ceel leh wada degan, bulsho kala qabiil ah ayaan ahayn, waxaan isku qabanay 15 sano ka hor ceelkii biyaha, annigaa cabaya iyo annaa kalka leh. orordkii iyo wax iska dhicintii nin ayaan dilay, dagaalkiina rag kalaa ku dhintay oo labada dhinac ah, maalintaas ayaan ku kala guurnay tuuladii, labadayadii reer mid walba tuulo uu leeyahay ayuu dhistay. Dadkayagii ceelka wada cabi jiray, waxay dani nagu keliftay in gaade iyo aargoosi arintii isu bedesho. Anniga kuu sheekaynayaa 10 sano qorigayga amaan ma xirin, habeenkiina gurigayga ma seexdo si aan gaade isaga ilaaliyo. mudadaas dhibka i soo gaaray ma tirin karo, hadaanse wax kaaga sheego ayuu ii sii raaciyey. Laba goor xabad ayaa marba igu qaraxday, mar lugta ayey iga jebisay, marna bawdaday i jiiraysay, tan ugu daran habeen habeen

Carwo buugeedka Muqdisho wuxuu ahaa ishii isbedelka noloshayda

Image
Sanadku waa 2015, goobtu waa Muqdisho, goortu waa bacdal makhrib, waa hotelkii la oran jiray City Palace, haddase loo yaqaan Royal Palace, waana carwo buugeedkii ugu horeeyey ee Muqdisho lagu qabtay, maalintii koowaad ee carwo buugeedka ayaa soo dhamaaday. Miis ayaan ku fadhinaa rag dhowr ah, waxay ka mid ahaayeen martidii sanadkaas, waxaan ka xasuustaa Axmed Faarax Cali Idaajaa, Cismaan Cali (Aasaasaha madxafka Soomaalida ee Minneapolis). Waxaa nagu soo biirtay gabar aad u da’yar, 14 jir ayey ahayd, gabadhu waa Sucaad, waxay deganayd iyada iyo qoyskeedu guri aan ka fogayn halka hoteelka ku yaal, waa guri burbursanaa, laakiin duruufaha uun baa ku khasbay inay isaga dhex noolaadaan. Xaafadda Cabdilcasiis ee hoteelka City Palace ku yaalo waxay ahayd meelihii dagaladdu sida xun u naafeeyeen, guryaha hoteelka ku hareeraysan waa wada burbursanaayeen, dad yar ayaana ku noolaa oo qoyska Sucaad ka mid yahay. Cismaan oo ay Sucaad dhinaciisa fariisatay ayaa waraysi ku bilaabay,