Posts

Showing posts from July, 2019

Jamac Fariid muxuu ka tegey oo aan marna la ilaawi doonin?

Image
Jamac Saleebaan Fariid Alle ha u naxariisto wuxuu ku geeriyooday qaraxii ka dhacay Hotel Madina ee magaalada Kismayo 12 July 2019. Qiyaas ahaan wuxuu dhashay 1974, xilligii abaartii dabadheer wadanka ka dhacday, isaga iyo qoyskiisuna waxay ahaayeen dadkii la dejiyey degmada Sablaale ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasoo uu ku dhameeyey waxbarashadiisii hoore iyo sare. Jamac waxaan bartay wakhti da’dayda ay ka yarayd 10 jir, oo aan kuwada kornay degmada Sablaale, ilaa wakhtigaasna waxaa uu ahaa xiriirkeena mid joogto oo markasta aan kala war hello. Goobaha ugu badan ee kulankeena waxay ahayd Nairobi oo uu si joogto ah u imanayey, wixii horumar iyo fikir ahna aan kala qaadanaynay. Maalmahaas oo aan magaalada ku sugnaa wuxuu ii ahaa saaxiib dhow oo magalada igu soo dhoweeyey, waxaana isugu kaaya danbaysay is maqal ahaan wax ka yar 20 daqiiqo intaan qaraxu dhicin, oo qorshahana ahaa kulan casho fiidka 12 July xilliga cishaha inaan isugu tagno goobta Qaraxu ka dhacay, (Balantii

Hadaad qaad cunis ku gaarto 1da habeennimo, wiilkaagana filo inuu ku gaarayo 3da arroornimo

Bulsho dhaqamo kale ah markaad kulan la tagto wax uun garaad ah ayaa kaaga soo kordhaya. Maanta waxaan tegey iskuul wiilkaygu dhigto, waxaana ay ahayd maalinta  abaal marinta arday kasta wuxuu ku wacan yahay. In kastoo ay farxad ii ahayd in wiilkayga la gudoonsiiyey abaal marin uu ku fiican yahay Fisikiska, Xisaabta iyo Anshax wanaagga fasalka.  Waxaa igu muhiimsan ee aan kulanka ku arkay wuxuu ahaa. Waxaa marti sharafeed u aaa Dr. Kinyanjui Ngan’ga oo ah nin dhinaca arrimaha bulshadda wax ka qora gaar ahaanna buuga xiisaha badan ee Weligaa ha raadin Shaqo (Never look for a Job). Hadal uu jediyey ayaan wax kala baxay maruu waalidka la hadlayey.  Wuxuu yiri: Aabaha 3 subaxnimo, waa xilliga waa soo dhowaadka khamriga ku gaara, ha ogaado wiilkiisuna inuu 4ta subanimo ku gaarayo. Aabaha Qaad cunis ku gaara 1da habeenimo, ha ogaado wiilkiisuna inuu ku gaarayo 2da habeennimo. Anniguna waxaanku darsaday. Hooyada Filim musalsal ah iyo tv fiirsi ku gaarta 12 habeennimo ha ogaato gabadhee

Kacaanka Carwooyinka Buugaagta sidii SYL dib ma u nooleyn karaa Soomaali mid ah?

Image
Sawirka: Waa inta badan dhallinyartii ka qayb gashay Carwo buugeedkii Kismaayo oo safar wada ah, qoraalka wuxuu ka dhashay safarkaas Markii la aasaasay ururka gobanimadoonka ee SYL sanadkii 1943, waxaa Soomaaliya u kala qaybsanayd shan, si xor ah la isuguma gudbi karayn. Taasi waxay keentay in dhallinyartii SYL ay samaystaan xarumo iyo naadiyo ay ku kulmaan, kagana tashadaan inay la yimaadaan riyo Soomaaliya oo madax banaan. Todobaadan iyo lix sano kadib, Soomaaliya intii xorta noqotay, waxay u kala qoqoban tahay degaanno maamullo ku dhisan qabaa’il ka taliyaan, waxaa kale oo jira ururka Alshabaab oo isna maamula dhul ballaaran oo koonfurta iyo bartamaha wadanka ah. Waxa adag inaad isaga gudubto gobollada wadanka, degmo ilaa degmo, waxayna dhibaato ku noqotay dhallinyarada Soomaaliyeed oo hamigoodu yahay inay wadankooda si nabad ah ugu noolaadaan, gobolkay doonaan u tamashle tagaan. Carwooyinka buugta ee sanadkasta qabsooma, magaalooyin hore lehna ku soo biirayaan ayaa u

Filimaanta Hindiga maxay dhaqanka shukaansiga iyo hanka dhalinyarta ku soo kordhiyey?

Image
Waa goor subax ah, maalin Sabtiya 30 Maarso 2019, wiil dhalinyaro ah oo hotel aan deganahay Muqdisho goobta dadka martida ahi fariistaan ayuu ku daawanayaa filim hindiya oo la afsoomaaliyeeyey, waan dhinaca fariistay, waxaa wejigiisa ka muuqata dareen aad u farxad badan oo ka turjumaya siduu u qushuucsan yahay, ereyada filimkuu daawanayo aan ka maqlay waxaa ka mid ahaa:- “Aabahaa jacaylkenuu ka soo horjeeda ee maxaan ku samaynaa, igu fasax aan shaqo ka qabtee, gabadhuna waxay leedahay, sugsug anniga ma u dulqaadanayo wax jacaylkena hor istaaga” Ereygaan markaan maqlay waxaa ii baxay Hindiga afsoomaaliga lagu turjumay wuxuu bulshada ka bedeli karo. Wadamada dunidu waxay leeyihiin hay’ad dawladeed oo soo saarta filimada, falsafadda ka danbaysaa filimaanta in la sameeyo waa wacyi gelin, in wadankaasi ku ilaaliyo jiritaankiisa, loogana ilaaliyo saamaynta dhaqamada kale ku leeyihiin, dadka jilayaana waa kooxo fanaaniin ah, Wadankasta filimkuu soo saaro wuxuu ku salaysan yahay dhaqan