Posts

Showing posts from September, 2022

Masaaj ayaan doontay

  Masaaj ayaan doontay Goobtu waa irridda gudaha ee garoonka diyaaradaha   Aadan Cade ee Muqdisho, dad ayaa boorsooyin jiidaya usii degdegaya diyaarado ay raacayaan, kuwa kalena irriday dhoobanyihiin oo waxay baryayaan askariga waardiyaha ah si uu u sii daayo oo ay gudaha u galaan. Meel soke waxaa taagan hooyo wejigeeda diif badani ka muuqato, kaba dacas ah oo dhammaaday gashan, cagaheeda uu qariyey boodhka jidcadayaasha Xamar oo aad dareemayso in ay wakhti dheer   soo lugaysay, hadalka waa ku adag yahay, inay igu soo dhowanayso ayaan dareemay, waa istaagay oo dhegaha u raariciyey, hooyo biyo ayaan rabaa ayey tiri, telefoonkeedaan weydiyey, si aan ugu diro lambaro u taagan lacag yar, waa habka keliya ee qof aad wax ku siin karto, waayo? Wadanka lacag shillin ah ma lahan, waa inaad tiro xarfo ah ku dirtaa teleefoon, qofkuna dhegeysto fariinta biibta ah ee u soo dhacday. Intaan telefoonka ku hawlanaa isheyda waxay qabatay gacmaha hooyada, waxay ku haysaa calan yar, waa kuwa maamul gobo