Posts

Showing posts from October, 2020

Laba bogleynta dadka Soomaaliyeed xilligaan doorashada

Image
Xamaasadda ka dhalatay heshiiskii doorasho ee madaxda maamul goboleedyada iyo dawladda federaalka Soomaaliya ay ku gaareen Muqdisho Noofeembar 2020, waxay furtay wax aan la filayn oo ah in ay soo muuqato in wadanku doorasho aadayo wakhtigii loogu tala galay, waxaa kale oo heshiiskaas siyaasiyiinta Soomaalida dhex maray oofwareen ku noqoday shisheeye u soo hanqal taagayey inay marka khilaafka maamul goboleedyada iyo dawladda federaalka xal loo waayo ay u tahay fursaddii ay markale dib u heshiisiin ku qaban lahaayeen wadanka dibadiisa, si ay miiska u keenaan siyaasiyiin ay doonayaan in markale saaxadda ku soo noqdaan. Doorasho in la galo hawl sahlan ma ahan, wakhtiga yar ee haray marka loo eego, waxaase la sameeyey habraac iyo sida xubnaha baarlamaanka loo soo dooranayo iyo goobaha lagu soo dooranayo, tanoo ah hawl weyn oo qabsoontay rajadana kordhisay. Maalmo aan Muqdisho joogay waxaan karay in uu bilowday dareen bulshada ka dhex jira, kun saabsan doorashada iyo wax ka imaan kara. Askar