Posts

Showing posts from September, 2020

Garoonka toogashada mise garoonka cayaarta

Image
Garoonkaan sawirkiisa aad u jeedaan hadda carruur ayaa ku ciyaaraysa, mase ahan goob cayaar, waa goobta lagu toogto dadka ee caanka ah loona yaqaan “tiirka” ee ku yaala xaafadda Afisiyoone ee Muqdisho, goobta askarta wax tooganaysaa ruugga dhigtaan markay wax shiishayaan ayaa u ah garoon, halka tiirarkii qofka la dilayo lagu xirana u yihiin gool. Carruurta ku ciyaaraysaa waa faraxsan yihiin, waxay hadba dhinac u eryayaan kubad yar oo dhinac ka go’an oo laba tiir oo ah kuwa dadka la tooganayo lagu xiro gool u tahay, ilmaha gool hayaha ahi wuxuu ka fekerayaa kubaddu dhinac yeysan kaa dhaafin iyo labada tiir may isu dhowaadaan. Goobtaan carruurtu ku faraxsan tahay boqolaal qof ayaa 50 sano ee la soo dhaafay toogasho lagu fuliyey, intaa indhaha laga xiro, garba duubna loogu xiro tiirarkaan, intaan xabaddu ku dhicin waxa maankooda ku jiraa qiyaastii waxay ahayd halkee xabadda ugu horaysaa kaaga dhacaysaa, duniduu ka sii tegeyo walbahaarkeeda, waxa lagu dilay aysan xaq ahayn, wixii uu samee