Soomaalidu waa geesiyaal, waa been fakatay
   Waxaa jira erey hees  hawleed ay haweenka markay guryaha ka shaqaystaan ku heesaan. waxaa ka  mid ahaa, midka geesiya ha guursan, marka geela la qaado, geb geb buu u  ordaa, goobtaa la wadhaa, markaasaad goblantaa.   Geesiga ay  bulshada Soomaaliyeed taqaan waa geesigaas waranka ku dhiiraan, waxaase  la ogaaday inuusan kaasi geesiga ahayn ee qofkasi yahay axmaq. Geesiguse  yahay qofka qaata go’aamo dhaxal gal ah oo masiirkiisa nololeed  taabanaya. Soomaaliduse marna ma yeelin go’aamo geesinimo leh oo ay  go’aammo mustaqbalkooda saameeya ku qaataan, tusaale; qodobaddaan kooban  waa kuwii taariikhdii dhowayd ina soo maray ee aynu fursadahooda soo  luminay.   Baresare Yaasiin Sheekh Muuse oo ahaa hormuudkii  kuliyadda siyaasadda iyo istiraatijiyadda ee jamacaddii ummadda ayaa mar  aan la sheekaystay maalin dhowd wuxuu ii sheegay.  “Ururkii SYL  ee xornimo doonka khaladkii ugu weynaa ee uu galay waxay ahayd markii ay  Ingiriiska oo dhulkii Soomaaliyeed isku haystay ay cayriyeen, kadibna...