Posts

Showing posts from December, 2019

Dhallinyarta Soomaaliyeed: Waa rajo ummadeed oo u bahan in la taageero

Image
Sawirka: Waa xafiiska isku xirka dhallinyarada Soomaaliyeed Ma ahan riyo, waa dhab in dhallinyarta Soomaaliyeed mar ahayd kuwa jecel dalkooda, dad isu hiiliya, isu ficilooda, waxay taageeri jireen cadaaladda, iyagoo diidi jiray dulmiga iyo duudsiga qofka bani’aadamka, waxaase ay luntay taasi waayadaan danbe markii Soomaalidu qabiil qabiil u qaybsantay, waxaa la waayey xooggii iyo xiribtii  Qarannimada lagu sugi lahaa oo dhallinyaradu u ahayd udub dhexaad, waxaa la tebey waddaniyiintii ku hubaysnayd mabaadii’da rajadada mustaqbalka iyo daljacaylka, waxaana sidaas sanado badan ku xabaal nololismay  hankii dalka loo qabay.   Bishii Noofeembar 12 2019, waxaan booqday xafiiska isku xirka dhallinyarada aqoonyahanada Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho, waase xafiis qabto hawl ka weyn inta magaciisu yahay. Markaan waraystay madaxa xafiiskaas Maxamuud Aadan Mumin iyo masuuliyiin kale, waxay ii sharaxeen, shaqada ururkaan dhalinyaradu isku xiro, waxaan ka soo qaatay jawaabihii