Posts

Showing posts from November, 2019

Wax sibiq inagu soo galay, inaguse sal balaartay (Taabug, Shiishad & Qaad)

Image
Muqdisho xilligaan dadaalada ugu badan ee wacyi gelinta bulshada waxaa meel sare kaga jira joojinta isticmaalka Taabu. Waa daroogo u samaysan sida tubaakada, canka la gashado, da'yarta xilligii waxbarashada ku jirta ayaana  aad u isticmaasha. Waxaa lagu sameeya, lagana soo dhoofshaa Hindiya, iyadoo lagu soo qoro Afsoomaali lagu xayeysiinayo. Haddaba wax kastoo qaribaya bulshadeenna markay soo gelayaan bilowga hore wadanka, waxaa loo sameeyaa dacaayo aad loogu buun buuninayo, magacyo fiican ayaa laga soo hormariyaa, dadku sida baalaley isugu soo ururtay nal ka baxaya goob mugdi ah ayey ugu uruuraan, marka la wada qabatimo ayaa waxyeeladeeda la arkaa. Taabu ka hor waxaa ina soo galay Qaad iyo Shiishad, side ku bilowdeen aan wax yar ka iftiimiyo. Qaadka Waa wax sahlan in markaad qof wax wanaagsan uga sheegto wax uusan horay u arag, qaadku wuxuu dadka Soomaaliyeed ku soo galay hab sibiq ah (fudud), wadaadadii dariiqooyinka ayaa eediisa leh, waxay ka sheegeen wax wanaagsan, inu