Posts

Showing posts from June, 2018

Taariikha aan inta badan la sheegin ee SYL, Dhacdadii Kismaayo 1952

Image
Bishii Ogoosto 1952kii, waxaa Gudoomiyihii maamulka Talyaanigu booqasho ku tegey degmada Ki smaayo. Waxana siyaasadda gumaysiga Talyaaniga ee ku wajahan xisbigii S.Y.L u qorshaysnayd, in laga hor joogsado dhaqdhaqaaq kasta iyo in aan marna la aqoonsan xisbigaas S.Y.L. Talyaanigii waxay ku shireen guriga maamulka gumaysiga ee degmada Kismaayo, iyaga oo ka tashanaaya in ay lama huraan tahay in la garaaco dhaqdhaqaaqa xisbigaas,si aanuu gudoomiyaha Talyaanigu u arkin dhaqdhaqaaq aan ka ahayn xisbiyada iyaga raacsan, maxaa yeelay ? warbixintii ay isaga horay u gudbiyeen ayaa odhanaysey : dadka degan qobolka Kismaayo waxay taageersan yihiin siyaasadda dawladda Talyaaniga, sidaasna waxay u yeeleen si ay kalsoonidiisa u hantaan. Haddaba xisbigii S.Y.L xaruntiisii ayuu ku kulmay, kolkaas oo xisbiyadii kale ee gumaysiga Talyaaniga raacsanaa ay usoo bexeen barxadda weyn oo ka soo horjeeda xafiiska gudoomiyaha degmada Kismaayo. Waxana caddaan ahayd in xisbiga S.Y.L, uu ka firfircooni b