Posts

Showing posts from June, 2020

Saamaynta Covid-19 ku yeeshay xarrumaha afka, dhaqanka iyo wax akhriska

Image
Xanuunka Covid -19 ee dunida ka jira ayaa hakiyey kulamadi, bandhigyadii buugta iyo hawlihii xarumaha wax akhriska ay bulshada u hayeen, iyadoo wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ilaa hadda xaqiijisay 2146 kiis oo xanuunka karoona soo ritay, halka dhmashaduna tahay 406 qof.  Cabdiraxmaan Maxamed Ibraahim oo ka mid ah masuuliyiinta xarunta Maankulan ee magaalada Kismaayo ayaa sheegay in  talaabooyinka looga hortegayo fayraska karoonaha oo ay ka mid tahay in dadku kala fogaadaan ay keentay in ay xarunta xiraan tan iyo bishii Maarso ee sanadkaan, taasoo keentay in  dhallinyartii xarunta  maalin kasta sida joogtada ah wax ugu akhrisan jirtay guryahooda joogaan. “Waxaa kaloo baaqday barnaamijyadii doodaha aqoon kororsiga ahaa oo bil kasta la qabanayey iyo falanqayn todobaad walba loogu samaynayey buugta ee xarunta ka dhacayey” ayuu yiri Cabdiraxmaan. Naadigaan oo qaban jiray sanadkasta carwo buugeedka Kismaayo (KBF) ayaa sheegay in haddii saamaynta xanuunka ay sii jirto sanadkaan ay