Posts

Showing posts from April, 2019

Dalkaaga haddaadan wax ku kordhinayn, dhib ha u geysan

Image
Sheeko iga soo martay laba aqoon yahan oo aan goobo kala duwan kula kulmay.  Qormadaydaan gaaban waxaan ku soo qaadanayaa laba aqoon yahan oo aan si kala gooni ah ula kulmay, sheekana na dhex martay, mid waa haweenay Kenyan ah oo da’ 60naad, midna waa aqoonyahan Soomaali ah oo da’ 70naad jooga. Goobtu waa dugsiga hoose dhexe ee Juja Road, waa iskuul dawladdu leedahay oo ku yaal Nairobi, boqolaal carruur ah ayaa dhigata, waxay heleen waa fursadda waxbarasho ee dawladda, waa faraxsan yihiin, waa wada ciyaarayaan, waxaase dhex taagan macalimad, magaceedu waa Julias, waxay shaqada ku timaaddaa gaari aad u qurux badan oo Ranger Rover ah oo qiimahsu yahay konton kun oo doolar, dabcan waxaad is waydiinaysaa macalin dawlad musharkeed qaataa gaari sidaan u qaali ah sidee u iibsan karaa, waana meesha anniga dareenka ah inaan la sheekaysto igu dhalisay. Iskuulka qayb carruurtayda oo hadda dugsi sare ku jirta ayaa wax ka baratay oo inaan wax waydiiyo macalimadda iguma ahayn dhibaato, waay